Hogaamiyaha mucaaradka Uganda Besigye oo xabsiga loo taxaabay

0
Friday October 20, 2017 - 22:19:59 in Wararka by
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha mucaaradka Uganda Besigye oo xabsiga loo taxaabay

    Hoggamiyaha mucaaradka dalka Uganda Kizza Besigye ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo lagu eedeeyay dil kadib markii banaanbax loogaga soo horjeedo dheereynta xukunka Madaxweyne Yoweri Museveni ay dhigeen mucaaradka dalka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggamiyaha mucaaradka dalka Uganda Kizza Besigye ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo lagu eedeeyay dil kadib markii banaanbax loogaga soo horjeedo dheereynta xukunka Madaxweyne Yoweri Museveni ay dhigeen mucaaradka dalka Uganda.

Kizza Besigye oo afar jeer isu soo taagay xilka madaxweynaha dalka Uganda loogana guuleystey ayaa la xirey shalay oo Khamiis ahayd.

Booliska ayaa ku eedeeyay Besigye dhimashada labo ka mid ah dad banaanbaxayay Arbacadii aynu ka soo gudubnay iyadoo boolisku ay ku rideen rasaas iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya kadib markii ay isku dhaceen banaanbaxayaasha iyo ciidamada booliska.

"Besigye iyo kaaliyaashiisa waxa ay horkaceen dhalinyaro dhagxaan ku tuuray ciidamada Booliska waxayna sababeen geeri,”ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Denis Namuwoza told Reuters.

Isku dhacan ka dhacay magaalo ku taal xadka kala qeybiya wadamada Uganda iyo Rwanda Rukungiri ayaa ka mid ah mudaaharaadyo rabshado watay kuwaasoo ku sii faafaya gudaha dalka Uganda tan iyo markii uu Madaxweyne Museveni toddobaadkii la soo dhaafay si cad u sheegay inuu taageersan yahay in xilliga uu xilka hayo loo dheereeyo.

Museveni oo muddo soddon sano ka badan madaxweyne ka ahaa wadanka Uganda ahna 73jir ayaa doonaya inuu markale u tartamo balse waxaa horyaal baarlamaanka dalka Uganda mooshin u fasaxaya Museveni inuu markale u tartami karo talada dalka Uganda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip