Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay tirada guud ee dhimasho iyo dhaawaca Qaraxii Zoobe

0
Friday October 20, 2017 - 22:09:52 in Wararka by
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay tirada guud ee dhimasho iyo dhaawaca Qaraxii Zoobe

    Dowladda Soomaaliya ayaa caawa soo bandhigtay tirada guud ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxii lagu halaagsamay ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa caawa soo bandhigtay tirada guud ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxii lagu halaagsamay ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe.

 Wasiirka Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo shir jaraa’id ku qabtay goobtii qaraxa ka dhacay ee Isgoyska Zoobe ayaa sheegay in 358 ruux ay ku dhimatay, halka dhaawacana uu gaaray 228 ruux.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dadka maqan ay gaarayaan 56 ruux oo la xaqiijiyay in lagu waayay goobtii qaraxa ka dhacay.

"Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (358 waa dhimasho, 228 dhaawac, 56 maqan).

Wasiir Yariisow ayaa sheegay in 122 ruux loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya, waxaa uu xusay in dhaawacyadii haray 99 ka mid ah ay bogsoodeen, oo dib guryahooda ugu laabtay, halka 7 dhaawac ay wali Isbitaalada ku jiraan.

Tirada dhimashada ee dowladda Soomaaliya soo bandhigtay ayaa waxay muujineysaa baaxada khasaarahii ka dhashay qaraxii weynaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo ahaa qaraxii ugu xumaa, uguna khasaare badnaa ee soo mara magaalada Muqdisho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip