21-ka October waa la Mahadiyay, Mana Haboona In Lagu Caasiyo Kacaankii Barakaysnaa.

0
Friday October 20, 2017 - 21:42:44 in Wararka by
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    21-ka October waa la Mahadiyay, Mana Haboona In Lagu Caasiyo Kacaankii Barakaysnaa.

    Waa cusub ayaa u baryay ummadda Soomaaliyeed xilligii uu curtay Kacaankii 21-kii Oktoobar, hannaan ku dhisan cilmi iyo waaya aragnimo ayaa loo suuliyay Qabiilkii, Musuq-maasuqii iyo Caddaalad-daradii jirtay, Sharaftii, Wadajirkii iyo Heybadii ummaddn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa cusub ayaa u baryay ummadda Soomaaliyeed xilligii uu curtay Kacaankii 21-kii Oktoobar, hannaan ku dhisan cilmi iyo waaya aragnimo ayaa loo suuliyay Qabiilkii, Musuq-maasuqii iyo Caddaalad-daradii jirtay, Sharaftii, Wadajirkii iyo Heybadii ummaddnimo ayaa loo soo celiyay, nabadgelyo iyo sinnaan ayaa la helay, waxqabad iyo horumar ayaa lagu talaabsadey.

Isbadal la taaban karo ayaa muwaadin walba ku dhacay, bulshada oo dhan waa la jiheeyay waxayna noqdeen dad Kacaan ah, nolosha shacbiga kor ayay u soo kacday, Dalku deg-deg ayuu u dhismay, gacmaha ayaa la is qabsaday, far kaliya ayaa la ahaaday, xawli iyo Midnimo ayaa hawl kasta lagu socodsiiyay, muddo aad u kooban ayaa lagu hantay horumar ka baaxad weyn kii Dawladihii Rayidka ee Wadankaa maamulayay Sagaalkii (9) sanno ee Kacaanka ka horeeysay.

Dhalashadii Kacaanka waxay ahayd guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed, curashadiisii waxay ku soo beegantay waqti Wadanku baahi weyn u qabay isbadal siyaasaddeed, Miyi iyo Magaalo si diiran ayaa looga soo dhaweeyay cishadii la helay Tawradii Oktoober, waxgarad badan waxay ku sifeeyeen 21-ka Oktoober iney ahayd maalintii ay dib u dhalatay Soomaaliya.

Guulo is daba joog ah ayaa laga soo hooyay adeegyadii uu Kacaaanku ku dhaqaaqay, Amnigii ayaa aad loo xoojiyay illaa la gaarsiiyay heer aad u sareeya, Dhismahii Wadanka ayaa loo tafa-xeydtay, Boqolaal Kun oo dad ah ayaa shaqooyin loo abuuray, Qoritaanka Farta Soomaaliga ayaa lagu najaxay, Balaarintii Gobolada Dalka ayaa la meel mariyay, Xarumo Wasaaraddeed, Iskuulo, Warshado, Waddooyin, Buundooyin, Garoomo ciyaareed iyo Goobo nasasho ayaa shaqo loo bixiyay ISKAA WAX U QABSO lagu hirgaliyay, meel walba muuqaal aad u qurux badan isla markaana lagu faani karo ayaa ka soo daahirey.

Halku-dhig waxaa laga dhigtay HADAL YAR IYO HAWL BADAN, taaariiq ahaan horukaca uu Kacaanka sameeyay ma jiryo wax la bar-bar dhigi karo, dagaal waxaa lagu qaaday oo laga adkaaday GAAJADII, CUDURADII IYO JAHLIGII, dadaal la sameeyay awgiis wuxuu keenay in Tacliintu ay ahaato lacag la’aan, in Caafimaadku uu noqdo bilaash, in la yagleelo xarumo ciyaalka lagu xanaaneeyo, in laga faa’iideysto kheyraadkii dalka, iyadoo bulshadii loo tababarayo Kalluumeysato, Beeraleey iyo Xoola dhaqato iyo in la xoojiyo qeybihii Fanka, Isportiga iyo is dhax galkii bulshada.

Himiladii Kacaanka oo ahayd mid aad u fog ayaa dhalisay in wadanku uu ka dhismo dhan walba, muwaadin kasta waxaa lagu beeray Isku kalsoonaan, Daacadnimo, Fir-fircooni, Waddaninmo, Gumeysi neceyb, u heelanaanta difaaca Dalka, illaalinta Midnimada iyo dhawrida sharafta iyo karaamada Wadankiisa, dhabtii Kacaanku wuxuu meel mariyay idil ahaanba ahdaaftii uu u curtay.

Dhismaha Dalka ka sakow Kacaanku wuxuu door lixaad leh ka cayaaray siyaasada Arimaha Dibadda ee beesha caalamka, Soomaaliya waxay hogaamiye ka noqotay xaqiijinta Xornimo gaarsiinta qeybo ka mid ah Wadamadii reer Afrika ee ku jiray gacanta Gumeysiga.

Macallinkii Kacaanka ahna Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed {X.H.K.S} Jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu heshiisiiyay Dalal ay colaad ba’an ka dhex jirtay, halka uu kuwa kalana u tabbabaray ciidamadooda iyo shaqaalahooda, xilligaasi waxaa lagu aflaxay inaan ka mid noqono Ururada ka jira Adduunka oo dhan.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay marti galisay shirkii Midawga Afirika iyo kulmo kale oo aad u waa-weyn, ciiddeena waxaa booqasho ku yimid Madaxweynayaal, Ra’iisul wasaarayaal, Boqoro, Amiiro iyo masuuliyiin kale oo aad u culus, Dal ahaan waxaa Wadanka laga dhigey gayi caalamka laga jecel yahay, taa oo keentay xiisaha Soomaaliya loo qabey darteed inay Dalxiis ku yimadaaan Kumanaan Ajaaniib ah.

Waa dhab Tawradii Oktoober inay halgan u gashay sidii ay Soomaaliya dhaxal wacan uga tagi lahayd, runtii Oktoober waa la Mahadiyay, dhalashadeediina waxay bad-baaddo u aheyd Soomaaliya, inkastoo uu Kacaanku qabtay hawl lagu faani karo ayaa haddana waxaa ka dhacay Qaladaad Taariiqi ah oo dib u cunay horumarkii la sameeyay, xaqiiqdii haddii la is bar-bar dhigo wanaagii iyo qaladaadkii uu Kacaanka ku kacay waxaa Boqol (100) jeer badan samaantii uu ka tagay Kacaankaasi.

21 sanno iyo dhawr bilood ayuu Kacaanku Dalka xukumayay 1969-1991-kii intii uu qabtay ma jirto cid sameyn karta, haddaan la is xasdeyn Kacaankii Oktoober oo waqtigaan oo kale loo dabaal degi jirey isla markaana loo fantasyen jirey wuxuu inagga mudan yahay AMAAN, DUCO, BOGAADIN, XUSHMO IYO IXTIRAAAM, mana aha in lagu CAASIYO wanaagii uu ka tagey Kacaankii Barakaysnaa ee Soomaaliya.

WD: C/Laahi Xasan Axmed (Sheekhaalow)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip