DHAGEYSO: Ergooyinka soo dhisay Galmudug oo eedeeyay Dowladda Federaalka

0
Friday October 20, 2017 - 21:15:47 in Wararka by
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Ergooyinka soo dhisay Galmudug oo eedeeyay Dowladda Federaalka

    Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa kulan ku yeeshay Qaar ka mid ah xildhibaanada Labada Aqal ee ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo Ergooyinkii soo dhisay maamulkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa kulan ku yeeshay Qaar ka mid ah xildhibaanada Labada Aqal ee ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo Ergooyinkii soo dhisay maamulkaas.

Kulanka ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa sidii looga arrinsan lahaa xaalada maamulka Galmudug oo la ogyahay in khilaaf uu ka dhexjiro Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Kulanka kadib qaar ka mid ah Ergooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay masuul ka tahay xaalada siyaaseed ee ka taagan degaanada Galmudug, ayna ku mashquulsan tahay duminta maamulka.

Waxay sheegeen Dowladda Federaalka in Cadaado ay geysay dad ay sheegeen in ay doonayaan in ay ku bedelaan Madaxda hada ka jirta maamulka Galmudug, taasi oo ay tilmaameen in ay ku maalgelineyso Hantidii Dowladda, ee loogu tala galay Ciidamada, iyo howlaha kale ee Dowladda.

Sidoo kale waxay sheegeen kulankan ay yeesheen in aysan kaga soo horjeedin Dowladda Federaalka, oo hormarka aysan hortaagneyn, balse keliya ay doonayaan in la dejiyo xiisada ka taagan Galmudug.

Ergadan ayaa waxay kaloo sheegeen in saakay ay dacwad u gudbiyeen Guddoonka labada Gole, taasi oo ay sheegeen in ay dib u celineyso dib u heshiisiinta iyo maslaxadii Soomaaliyeed.

Madaxda maamulka Galmudug ayaa xilligan waxaa ka dhextaagan khilaaf, ilaa hadda aanan la xalin, iyada Galmudug ay sheegtay khilaafkaas in ay gadaal ka riixayaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Audio Player


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip