WAR DEG DEG AH Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Friday October 20, 2017 - 20:35:29 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Qarax gaari lagu soo xirey ayaa Goordhaweyd waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax gaari lagu soo xirey ayaa Goordhaweyd waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Banaadir iyo Digfeer ee Degmada Hodan ee gobolka banaadir.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo qaraxaas ayaa sheegayo inuu ahaa mid lagu xiray gaari uu lahaa shakhsi aan magaciisa la ogaanin.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaaro dhaawac, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo jidka marayey.

Ninkii lahaa gaariga ayaa la sheegay inuusan xilligaas ku jirin, balse labada qof ee dhaawacmay ay ahaayeen kuwa jidka marayey.

Dhaawacyada labadaan qof ayaa la dhigay Isbitaal Kalkaal oo u dhow meesha qaraxa ka dhacay.

Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa ahaa Surf cadaan ah oo xilligaas meel yaalay qofkii lahaana uu meelaha ka dhawaa.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada amanaka Dowladda SOomaliya, oo halkaas ka wad baaritaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip