Mareykanka oo sheegay in Duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya

0
Friday October 20, 2017 - 20:21:58 in Wararka by
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay in Duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya

    Mareykanka ayaa sheegay Jimcaha maanta ah in Diyaaradihiisa aan duuliyaha laheyn Isniintii ina dhaaftay 16-kii bishan ay beegsadeen saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin meel 56-KM kaga beegan Koonfur Galbeed, caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka ayaa sheegay Jimcaha maanta ah in Diyaaradihiisa aan duuliyaha laheyn Isniintii ina dhaaftay 16-kii bishan ay beegsadeen saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin meel 56-KM kaga beegan Koonfur Galbeed, caasimadda Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Wakaaladda Wararka Associated Press (AP) u sheegay in Ciidamada Mareykanka ay Duqeyntaasi fuliyeen, balse weli aysan shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo degaanka uu sida gaarka ah uga dhacay.

Sidoo kale Taliska (AFRICOM) ayaa sheegay weerarkan in ay ku soo beegeen, markii uu dhacay Qaraxii lagu dhammaaday ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ilaa hadda aanay jirin cid sheegatay masuuliyadiisa.

Maraykanku wuxuu xoojiyay ka qeyb galka Millatariga ee ku wajahan waddanka Geeska Afrika tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump ogolaaday in howlgallada Millatari ay sii ballaariyaan Ciidamada Mareykanka.

Mareykanka ayaa ugu yaraan 19 ka mid ah weerarrada Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Soomaaliya ka fuliyay tan iyo bishii Jannaayo, sida laga soo xigtay Bureau of Investigative Journalism, taas oo la socota weerarrada Maraykanku ku qaaday waddamo badan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip