Caruur Aabahood Uu Ku Geeriyooday Qaraxii Zoobe Oo Ku Baaqay In La Caawiyo+Sawirro
Maxamed Cabdiraxmaan Cali oo 13 jir ah ahna Curadka Caruurtii uu ka tagay Marxuum Buraale ayaa ka warbixiyay markii ugu war dambeysay Aabihiis isagoo xusay in Abaaro Salaaddii duhur uu u soo diray Lacag ay ku galayeen Imtixaanka Iskuula kadibna qaraxii ruxay Muqdisho ay ka war heleen in Aabihiis uu ka mid ahaa dadkii uu gallaaftay qaraxaas.
Hooyo Salaad Xasan Cumar oo Ah Afadii Marxuum Cabdiraxmaan Cali Maxamed ( Buraale ) oo iyana la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Seygeeda uu ahaa kan kaliya ee u dhaq dhaqaaqa Reerkooda islamarkaana u soo dhicin jiray Qutul Yoomkooda iyo Waxbarashada Caruurtooda balse haatan aanu jirin cid u maqan oo aan alle ka ahayn iyadoo ugu baaqday dhammaan Ciddii jecel in ay caawiso ay la soo xiriiraan Caruurtaas Agoonta ah oo illaa 10 gaaraya haatana iyadu tahay Xaamilo.
Caasho Cali Maxamed oo iyana Eedo u ah Caruurtaas Agoonta ah ayaa cadeysay in Marxuum Buraale ay ku tiirsanaayeen Reerkiisa , iyo waalidiintiisa oo dad da’ ah islamarkaana uu ifka ka tagay iyadoo lagu leeyahay Deymo aad u fara badan oo Caruurtiisa ay cuneen
Marxuum Cabdiraxmaan Cali Maxamed ayaa ka mid ahaa Darawalada Gaadiidkii ku bas belay Qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan.
Innaa Lillaah wa innaa Ileyhi Raajicuun.
Fadlaan ciddii caawineyso ha kala xiriirto +252 618 974715
XIGASHO:-http://radioshabelle.com
Caruur Aabahood Uu Ku Geeriyooday Qaraxii Zoobe Oo Ku Baaqay In La Caawiyo+Sawirro
Agoonta Marxuum Cabdiraxmaan Cali Maxamed ( Buraale) oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday Qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan cid kasta oo jecel samafalka in ay caawiyaan