Masar oo looga baroor diiqey dadkii ku waxyeeloobey Qarixii Zoobe

0
Thursday October 19, 2017 - 23:50:25 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar oo looga baroor diiqey dadkii ku waxyeeloobey Qarixii Zoobe

    Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay kulankaasi Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Jaaliyadda Soomaalida,kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi murugada leh oo ay ka qabaan Weerarkaas.

Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo Xasan Maxmed Xuseen Muungaab oo soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka qeybgalay kulankaasi boqoordiiqa ahaa,waxaana ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda in ay u istaagaan ladagaalanka cadowga,sida uu sheegay Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta C/qani Wacaysa ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka iyo Dowladda in ay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa khataraha cadowga.

"Anagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee halkani kunool waxaan la qeybsanaynaa umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo xanuunkii ku dhacay,waxaan leenahay ha loo midoobo Dowlad iyo shacab sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka Shabaab”, Ayuu yiri Safiir C/qani Wayas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip