Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay Qaraxii Zoobe

0
Thursday October 19, 2017 - 23:00:32 in Wararka by
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay Qaraxii Zoobe

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle oo maanta ka yimid Washington ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle oo maanta ka yimid Washington ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa marka hore wuxuu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe, isaga oo sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Musiibada ahaa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay khasaare hantiyadeed oo aan tira koob laheyn inuu ka dhashay Qaraxan, balse shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay dhacdadaan ay ka bartaan cashar.

C/raxmaan Ducaalle Bayle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay dhibaatooyinka jira muhiim in ay tahay xididada in loo saaro, isaga oo sidoo kale yiri "Godka ay ku jiraan ayaa la doonayaa inaan ugu galno.”

Ugu dambeyntii Wasiir Bayle ayaa sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay ka taxadaraan dhacdo nuucaan oo kale ah in ay soo laabato, si taasi looga feejignaada ayuu sheegay muhiim in ay tahay la shaqeynta Ciidamada.

Audio Player
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip