Yaa ka dambeeyay qarixii Soobe?

0
Tuesday October 17, 2017 - 20:35:35 in Wararka by
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ka dambeeyay qarixii Soobe?

    Wali waxaa socda hawlaha gurmadka ee lagu samato bixinayo dadkii tirada badnaa ee ku waxyeeloobay qarixii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, iyo dabcan sidoo kale baaritaan la xiriira sidii ay wax u dhaceen iyo ciddii ka dambaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali waxaa socda hawlaha gurmadka ee lagu samato bixinayo dadkii tirada badnaa ee ku waxyeeloobay qarixii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, iyo dabcan sidoo kale baaritaan la xiriira sidii ay wax u dhaceen iyo ciddii ka dambaysay.

Natiijada baaritaankaba ka hor dowladda federaalka waxa ay markiiba farta ku fiiqday Ururka Alshabaab ee dowladda la dagaallama, horeyna looga bartay in ay sheegtaan mas’uuliyadda qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo qaarkood shacab ahaayeen.

Alshabaab ma aysan iska fogeynin eedeynta dowladda, mana aysan sheeganin mas’uuliyadda weerarka.

Cabdiraxmaan Sahal waa cilmi baare arrimaha xagjirnimada, BBC-da ayuu u sheegay sababta uu ugu malaynayo in Alshabaab ay u sheegan waysay qaraxa.

"Waxay u aamuuseen waxaa weeyaan qaraxan waxa lagu gumaaday shacab, carruur iyo dumar. Qasaaraha aad buu u badan yahay, taas marka waa dhagar in qofka wixii uu sameeyay uu ka aamuso, waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin haddii aad sheegataan khilaaf dhexdiina ah armuu yimaadaa” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray "Haddii ay sheegtaan waxaa ka imanaysa labo arrin; midda koobaad waa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u naceen Alshabaab oo sii korodhay, kadibna ay ku dhiiradaan in ay iska dhiciyaan, midda labaadna waa, in dhexdooda ay ku kala jabaan, oo ay iska hor yimaadaan, maxaa yeelay Alshabaab iyaga oo nooc kasta ah, haddana lagama weynayo shaqsi shaqsi ay qaaddo qabyaalad ama wax uun, waxaa kale oo suurtagal ah in rag iyaga ka tirsan ay ka soo goostaan”.

Dadka Alshabaab kasoo goostay waxaa ka mid ah hoggaamiye ku xigeenkii ururka Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur), wuxuuna shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka loogu sameynayo dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay qarixii Soobe ee Hargaha iyo Saamaha.

Wuxuuna yiri: "Annaga muddo aad u fog, oo 10 sano ka hor ah baan ku niri, nimanyahoow ka daaya dadka, way nalagu dirireen oo way joojin waayeen, waxanoo kale Shaamoow ayey ka dhaceen, Hargaha iyo Saamaha ayay ka dhaceen, masjid Bakaaraha ku yaalo ayay ka dhaceen, marxalado ka duwan ayay soo martay. Markii ay waxan oo kale dhacaan anaga ma nihin ayaa la dhihi jiray, markii dambana waxaa dhacday in la sheegto oo la dhoho anagaa geysanay”.

Abuu Mansuur waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka dambeeyeen qarixii dhacay "Waxaan ugu baaqayaa in ay ka towbad keenaan. Towbadda waa furantahay, dadka aan la hadlayo waa Alshabaab, waxaan meelaha ka maqlayay Black Water ayaa ka dambaysay, balse aniga ma qabo, sababtoo ah Black Waters wax qarxa iyo gaadiidba way keeni karaan, balse qofkii is qarxiyay ma keeni karaan,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Sahal ayaan wax ka weeydiinay waxa laga yaabo inuu ku dhashay qaraxan: "Waxay baraarujin kartaa in xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay midoobaan, waxaa kaloo ay keeni kartaa in ay shacabka dhiiragaliso, aqoonyahanka iyo culumada in ay ku dhiiradaan in ay ka hadlaan, waxaa kaloo keeni karta in waddamada caalamka ee Soomaaliya taageera ay falcelin dhab ah ka sameeyaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Matt Bryden oo ah falanqeeye arrimaha amniga Geeska Afrika ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay "Ma jirto koox aan Alshabaab ahayn oo gudaha Soomaaliya ku sugan oo awood u leh in ay rakibto bamkan intan la’eg”.

Waxyaabaha hadda la baarayo waxaa ka mid ah nooca miinooyinka loo adeegsaday qaraxa, xogta laga hayo gaadiidkii qaraxa lagu geystay, qofkii wadday ee is qarxiyay, iyo meelihii uu soo maray gaariga.

Tan iyo intii xukuumadda cusub ay la wareegtay hoggaanka dowladda federaalka, waxaa caasimadda laga ka howlgalayay ciidamo loogu magacdaray xasilinta caasimadda, kuwaas oo dadaalo badan ay sameeyeen ka dib, waxaa soo hagaagay amniga.

Talaabooyinka ay qaadeen waxaa ka mid ah in la xiray waddooyinkii yaryaraa ee magaalada, waxaana carro tuur lagu shubay meel kasta oo ay waddooyinkaas kaga soo dhacayeen laamiyada waawayn, sidaasi darteed baabuurta oo dhan waxay maraan goobo ay ciidammada joogaan oo ay qasab tahay in lagu baaro.

Haddaba, waxaa aad suurtagal ah in gaariga qarxay uu soo maray meelo dhawr ah oo ay joogaan askarta dowladda. Sida ay sheegayaan laamaha amniga, baaritaanka la wado "waxaa diirada lagu saari doonaa qaabkii uu gaariga uga soo gudbay barahaasi koontarool”.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxan waxa uu taariikhda ku galayaa in uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya, waxaana durba jira magacyo ay dadka u bixiyeen, sida "Qarixii dhul gariirka”.

-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip