Antonio Conte Oo Si Cad U Beeniyay Hadaladii Ku Aadanaa Inuu Doonayo Ka Dhaqaaqista Kooxda Chelsea, Si Uu Dib Ugu Laabto dalka Talyaaniga

0
Saturday October 14, 2017 - 09:58:34 in Sports News by
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Oo Si Cad U Beeniyay Hadaladii Ku Aadanaa Inuu Doonayo Ka Dhaqaaqista Kooxda Chelsea, Si Uu Dib Ugu Laabto dalka Talyaaniga

    Tababaraha ree talyaani iyo kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay shaqada uu ka hayo Blues islamarkaana uusan dooneynin inuu kooxda ka tago xilli hore. Kadib markii ay dhawaanahan soo baxeen warar ku aadan in Conte uusan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha ree talyaani iyo kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay shaqada uu ka hayo Blues islamarkaana uusan dooneynin inuu kooxda ka tago xilli hore. Kadib markii ay dhawaanahan soo baxeen warar ku aadan in Conte uusan ku faraxsaneen nolosha uu ku heysto magaalada London.

48 jirkan oo ka hadalayay arinta ku aadan inuu doonayo dib ugu laabashada dalka talyaaniga ayaa wuxuu yidhi: "waxaan kaga hadlay arintan xili hore, kadib marka aan bixyay wareysi ku aadan arintan, laakiin sida aan filayo waxaa loo fasiray si aan wanaagsaneen oo qalad ah”.

Antonio Conte ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay: "Waxaan anigu idhi maalin maalmaha ka mid ah waxaan jeclaan lahaa inaan dib ugu laabto talyaaniga, waxaa igaaga dhiman heshiiska aan ku joogo kooxda Chelsea mudo laba xili ciyaareed kale aad ayaana ugu faraxsanahay shaqada aan halkan ka hayo iyo xidigahan wanaagsan ee aan la shaqeenayo, waxaan sidoo kale si aad ah u jeclahay hab dhaqanka jamaahiirta Blues iyo sida uu yahay hamigooda”.

Ninka ree talyaani oo ka hadlayay nolasha ay qoyskiisa kaga jiraan magaalada London ee dalka England ayaa wuxuu yidhi: "ilaa iyo haatan uma jeedo wax dhibaato ah, waxaan doonayaa wali aniga iyo qoyskeega inaan halkan kusii nagaano, haatan madooneyno inaan dib ugu laabano Italy, sababtoo ah gabadheyda waxay halkan ka aadaa dugsiga”.

Antonio Conte ayaa hadalkiisa kusoo xidhay "Tababar kasta marka uu kooxi bilaabo shaqo wuxuu doonayaa inuu sii joogo muddo dheer, si uu sameeyo waxyaabo badan oo muhiim ah, shaqadeena waa mid adag oo layaab badan”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip