Ar maxaa Bakhayl iyo Siyaasiba ay been u daliishadeen diidmada wax aan rabno,oo ayna rabin in aan rabnoNasashada jimcaha.Q-65ad.

0
Friday October 13, 2017 - 14:29:24 in Wararka by
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar maxaa Bakhayl iyo Siyaasiba ay been u daliishadeen diidmada wax aan rabno,oo ayna rabin in aan rabnoNasashada jimcaha.Q-65ad.

    1-Nin bakhayl ah iyo xaaskiisa oo lugeeynaya, ayay xaaskii ku tiri: Xaajiyoow waan haraadnay ee maad cabitaan qabow Coke ama Bebsi noo soo qaadid. Xaajigii Masjid u dhawaa ayuu ku leexday ,oo baraakta weeysa qaadka ayuu uga soo qaaday biyo ay cabto,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin bakhayl ah iyo xaaskiisa oo lugeeynaya, ayay xaaskii ku tiri: Xaajiyoow waan haraadnay ee maad cabitaan qabow Coke ama Bebsi noo soo qaadid. Xaajigii Masjid u dhawaa ayuu ku leexday ,oo baraakta weeysa qaadka ayuu uga soo qaaday biyo ay cabto, isaga oo ku leh: kuwaan ayaa billa lacag ah, barakeeysana kuuna dhaama waxay qasqaseen Gaaladu.

(Ar maxaa Bakhayl iyo Siyaasiba ay been u daliishadeen diidmada wax aan rabno,oo ayna rabin in aan rabno)

2-Nin bakhayl ah iyo willkiisa oo wada socdo ayaa waxay la kulmeen mayd la sido, iyo haweeneeydii uu ka dhintay marxuumku oo ku barooraneeysa "Alla, Faaraxow gurigeenii inta ay kaa soo saareen miyay kuu wadaan, Guri mugdi ah oo aan gogol lahayn, cunto iyo cabitaana midna ayna aalin.

Wiilkii yaraa ina bakhayl ayaa aabahii weydiiyay, Aabe, maydka ma gurigeenaa loo wadaa? Fiiri sawirka 1aad.

( Ma gurigooda ayuu sifahaa ku ogaa? Waa wareernay, siyaasiyiinta somalidu inteey noo wadaan?).

3-Wasiirkii Ingriiska Winston Churchill oo aad u buurnaa ayaa ku yiri, Bernard shaw oo ahaa caalimkii ingriska oo aad caata u haaa , billadda Nobel-ka ( Biology) ku guuleeystay, Mr. Churchill ayaa yiri: Bernardoow, qofkii ku arka wuxuu u maleeynayaa in Ingriika qaajo loogu dhinto. Caalimkii ayaa ugu jawaabay: adiga qofkii ku eegana wuxuu ogaanayaa sababta qaajada keentay. Fiiri sawirka 2aad.

(Markii aad aragto sida ay u buur buuran yihiin madaxdda Somalida qaar, guryaha laga dhisanayo dalka dibadiisa, eexda, macaawina leexsiga, qorsha xumida, saxiix soor ku raadiska, maamul xumidda, ma ogaataa sababta Somaliya ay faqriga u tahay)

4- Nin ayaa soo raacay maydkii xaaskiisa oo Xabaalaha loo waddo, ninkii ayaa qoslay ,dadkii ayaa yiri: maxaad ku qoslee, waxaa la wadaa waa maydkii xaaskaaga? Wauxuu yiri: wax kale kumaanan qoslin ee muddo badan ayaan is qabnay, waana markii iigu horaysay ee aan ogaado xaaskeeygu halka ay u socoto dhab ahaantii. Fiiri Sawirka 3aad.

5-Aroos iyo Aroosad xalay aqal galaly , ayaa subaxdii albaabka loo soo garaacay.Aroosadii ayaa ninkeedii ku tiri: "War orod oo albaabka fur, mise isagana ma furi kartid!!!!. Fiiri Sawirka 4aad.

6-Nin ayaa dareemay in cuntada xaaskiisu u kariso ayna macaanayn oo ayna si fiican ugu hagar bixin marka ay diyaarinee, ama aqoon la’aan iyo wehsi ay ka tahay qash karisooynimadu. Maalintii dambe Waqtigii qadada la diyaarinayay ayuu boor ku soo qoray Xadith macnihiisu yahay (Alle wuxuu jecelyahay qofkiinii hadduu shaqa qabanayo, si wanaagsan u qabto). Kadibna boorkii ayuu suray Jikada cuntada ay ku kariso dhaxdeeda.

Xaaskiisii ayaa aragtay Boorkii oo fahamtay waxa ku qoran, Iyana isma dhibin Boorkii ayay qaaday waqtigii cashada kadib waxayna surtay sariirta madaxeeda.

( Waxaa haboon in dowlada dhexe iyo maamul gobaleedyadu ayna tabeele isku sursurin ee mid waliba howshiisa uu ka soo baxo, intaan boorka loo surin. Sug,Sug, Kismayana waxaa ka dhacay Inqilaab siyaasadeed oo aan dhiig ku daadan. shacabow kismayo iyo Kun Yaasiin).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip