KISMAAYO : FASHILKI MADAX GOBOLEEDYADA?

0
Tuesday October 10, 2017 - 11:23:33 in Maqaallo by
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KISMAAYO : FASHILKI MADAX GOBOLEEDYADA?

    Waa nasiib darro aad u weyn oo dalkaan ku habsatay maalintii la sameeyay Madaxweynayaal ka taliya gobollada dalka Somaliya. Marka loo fiirsado dadka loo doortay jagooyinkaas waa dad isku mida oo uusan ku jirin mid mid dhaama. Markaad fiiriso waxaa ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa nasiib darro aad u weyn oo dalkaan ku habsatay maalintii la sameeyay Madaxweynayaal ka taliya gobollada dalka Somaliya. Marka loo fiirsado dadka loo doortay jagooyinkaas waa dad isku mida oo uusan ku jirin mid mid dhaama. Markaad fiiriso waxaa kuu soo baxaya inay yihiin dad aan waxba soo baran oon aqoon lahayn..kii laga filaayay inuu wax yaqaanno ayaad moodaa meelaha qaar inuu ka liito midki aan wax aqoon ah lahayn.

Sababta aan sidaas u iri waxay tahay natiija iiga soo baxday markaan dhegeystay khudbadihi ay ka jeediyeen shirka Kismaayo oo ay isku raacen inay iyagu sax yihiin oo waxa khaldani ay tahay Dowladda Dhexe kaddib markii ay ka talo gelin weyday go’aankii laga qaatay khilaafka ka jira Khaliijka. Midkoodna waa garan waayay in dowladda dhexe aytahay federaal oo gobol waliba ay ugu jiran wajkiilo ah xildhibaano ka socda gobollada iyo jufooyinka Somaliya oo dhan… waana kuwa wakiilka ka ah dowlad goboleeyada.

Madaxda ku shireysa Kismaayo waa dad HAL IL KALIYA WAX KU ARKA, waxayna isku raaceen in iyagu sax yihiin Dowladda Dhexena ay khaldan tahay kaddib markii ay yastay oo ay ka tala gelui weyday go’aannada ay qaadaneyso. Siyaasiyyinta Somalida ma dhergaan mana sabraan, maskaxdoodana ma shaqeyso mar haddii doollar meesha soo galo…waxay u baahnaan lahaayeen in loo furo tababar ku saabsan FEDERALKA WAXA UU YAHAY IYO SIDA AWOODAHA LOO KALA LEEYAHAY.

Waxaan ku tali lahaa inay Madaxweynayaasha gobollada laga dhigo wasiirada dowladda dhexe ee federaalka si ay ula

socdaan howlaha ay qabato dowladda, go’aan ka gaarida ay iyagu qayb ka noqdaan si looga badbaado is-qabqabsasho iyo is-eedeyn aan weligeed dhammaaneyn..gobolladana ay uga tagtaan ku xigeenadooda oo booksa usii ilaaliya, wixii deeq la helana iyaga lala sugo inatey Xamar ka soo noqonayaan. Haddii aan sidaa la nyeelin Somaliya weligeed dowlad ma naqaneyso!!! Goormaan ka gudbi doonaa jago jeceyl oo aan heli doonaa dad ay daacad ka tahay u adeegida dadka iyo dalka rabitaankoodana guriga uga soo tagta.

Dhibaatada waxay salka ku heysaa magaca loo bixiyay oo ah MADAXWEYNE aan wax firkad ka heysan shaqada loo igmaday. Waxaan ku tali lahaa in la sameeyo WASF WADIIFI ama JOB DESCRIPTION qofba siduu u yaqaanno, si ay u bartaan waajibaadka saaran iyo xuduuda ay ku egtahay awoodooda, haddii ay rabaan in go’aannada dowladda federaalka qayb ka naqdaan waa inay kala diraan oo ka kaaftoomaan xildhibaaanada matala gobolka si ay go’aannada qayb uga qaataan!!!

W/Qoray:-Axmad Calasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip