Geesiga Masar Mohamed Salah oo iskuul loogu magac daray
Mohamed Salah waa geesigii xulka Masar ee ka caawiyay inay usoo baxaan koobka aduunka mudo 28-sano kadib.
Salah ayaa dhaliyay labada gool kulankii Masar ay koobka aduunka usoo bixitaankiisa ku xaqiijiyeen cayaar ay 2-1 Congo kaga badiyeen weliba Salah daqiiqadii 95-aad ayuu rigoore dhaliyay.
Halye Mohamed Salah haatan waxaa loogu magac daray iskuul gudaha Masar ku yaalo si loo weyneeyo guusha uu dadkiisa gaarsiiyay.
Salah iskuulkiisii hore Bassyoun ayaa haatan isaga loogu magac daray madaama uu noqday geesi qaran oo reer Masar wada farxad galiyay.
Geesiga Masar Mohamed Salah oo iskuul loogu magac daray
Mohamed Salah waa geesigii xulka Masar ee ka caawiyay inay usoo baxaan koobka aduunka mudo 28-sano kadib.