Wasiir Diaspora muxuu Shaqaalihiisa oo aan 7-da Bilood Mushaar Qaadan u sheegay?=Faallo=N/JIMCAHA.Q-64aad.

0
Sunday October 08, 2017 - 16:32:39 in Wararka by
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Diaspora muxuu Shaqaalihiisa oo aan 7-da Bilood Mushaar Qaadan u sheegay?=Faallo=N/JIMCAHA.Q-64aad.

    1- Wiil ciyaalka xaafadda ah oo gabar la socda ayaa nin oday ahi ka soo hor baxay. Gabadhii ayaa tiri: hoogayeey Alla waa Aabaheey. Wiilkii ciyaal xaafadda ahaa ayaa ku yiri: Macalimmada isdaji noooh,hadduu ku dhaho xariifkaan yaa waaye? Waa walaalke

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Wiil ciyaalka xaafadda ah oo gabar la socda ayaa nin oday ahi ka soo hor baxay. Gabadhii ayaa tiri: hoogayeey Alla waa Aabaheey. Wiilkii ciyaal xaafadda ahaa ayaa ku yiri: Macalimmada isdaji noooh,hadduu ku dhaho xariifkaan yaa waaye? Waa walaalkeey dheh nooh. 2-Macallin reera marqaan ah ayaa loo soo bedelay iskoolka AGOONTA. Maaliintii ugu horeeysay ee uu shaqada tagay ayuu ardaydii ku amray in Arday waliba uu Aabihii berri keeno, si looga hadlo xiriirka waalidka iyo macalimiinta.


( Wasiir Diaspora ayaa maalintii shaqada ugu horeysay la hadlayay shaqaalahiisa oo aan 7 bilood mushaar qaadan kuna yiri: waan wada shaqeey doonaa,waxaan filayaa inaad ku qanacsan tihiin mushaarkiina, Gunnadda aad bil waliba qaadatiin, free Medical care, Life Insurance giina, Petty Cash-ka iyo other benefits-ka…..war maa yaalhee, Barrow iyo barrey war iskuma hayaan ahaa).

3-Laba wiil oo walaalo ah ayaa mid kii kale ku yiri: Natiijada imtixaanka ii soo fiiri, haddii aad soo laabato Aabe oo jooga, si uuna noo fahmin, ii baaq, haddii aan hal maado ku dhacay, waxaad igu tiraahdaa Axmad yaa ku soo salaamayay, haddii aan Laba ku dhacana Axmad iyo Cali ayaa ku soo salaamayay, laba maado oo kaliya ayaa ka shakisanahay.

Wiilkii ayaa soo laabtay Aabe iyo Xuseen oo is ag fadhiya markaa ayuu ku yiri: Xusseenow,Ummadda Nabi Muxamad "CSW” oo dhan ayaa ku soo wada salaameeysay.fiiri sawirka 1aad.

(Ma taqaan Dowladdii markii la qiimeeyay wax qabadkeeda iyo waxa u dhiman, Ummada Nabi Muxamed "CSW” oo dhami ay soo wada salaantay).

4-Nin indhool ah ayaa yimid war Biya ku jiraan oo dadku ka cabo kuna qubeeystaan. Indhoolihii isaga oo aan dharkiisi iska bixin ayuu is yiri warta gal. Dadkii ayaa ku qayliyay oo ku yiri: Adeer dharka haddad warta la gashid waa kaa qoyaa.

Indhoolkii isaga oo wartii sii galaya ayuu ku yiri: In uu korkeyga ku qoyo ayaa la’ii qaatay,intii uu qof kale korkii ku qalalnaa lahaa.

(Ma la dhihi karaa, khayraadka dalkeena halkiisa ha noogu jiro intii Mas’uul dhaqaala doon ah oo aan gorgortan aqoonin ii beeci lahaa bad iyo berri’ ).

5-Xaliimo ayaa duqeedii oo Somalia ku rafaadsan waayeelna ahaa kuna Biili jirtay,uu ku yiri: halkaan iga wad,lafaha oo dhan ayaa i gubanayo,dhaqtarkiina meel qabow tag ayuu igu yiri,hur dartii xattaa kabaheeygu habeenkii qaboojiye ayeey ku dhax baryaan.kadibna Xaliimo Visa ayey u soo dirtay si uu qurbaha ugu yimaado, waana soo galay duqii. Laba sano kadib , maalin isga oo magaalada ku maqan ayuu telefon ku soo wacay oo ku yiri: Xaliimooy hal million oo Dollar ayaan Bakhtiyaa nasiib ku helay, waana in aan nolosheena oo dhan aan wax ka bedelaa ee Boorsadaada xirxiro.

Xaliimo oo farxad la boodboode ayaa ku tiri: Bishaaro,ma dhar culus baan qaataa oo dal baraf leh ayaa u dalxiiseynaa,mise dhar fudud?

Odaygii ayaa ku yiri: Naa waxaad doonto qaado,Aqalkase yaanan kuugu imaan.

Xaliimo oo aan weli fahmin hadalka duqa ayaa Google-gareeysay.Fiiri Sawirka 2aad & 3aad.

6-Laba dhalin yaro ayaa aqal galay.gabadhii ayaa Habeenkii u horeeyay ku tiri: xabiibii waad ogtahay oo Guur kan baa noogu horeeya labadeena ,xageen wax ka bilaabeeynaa? Wiilkii ayaa yiri: markaan yar yareeyn oo aan isku xaafadda ahayn adigaa i daan daansan jiray oo jidka iga xiri jiray ee maanta maxaa ku helay, laakin isaga oo hadalka asluubeynaya ayuu haddana ku yiri, Gacaliso, adiga xubintaadu waxay noqonee Xabsigii anna Maxbuuskii.

Maxbuuskii ayaa xabsigii lagu tuuray,markii howshii dhamaatay oo nasasho lagu jiro ayeey aroosadii ku tiri: Habiibii maxbuuskii xabsigii ayuu ka baxsaday,mar labaad ayaa maxbuuskii xabsigii lagu celiyay. Mar kasta oo uu maxbuusku baxsado dib ayaa loogu celinayay xabsiga.

Markii shanaad ayeey tiri: Habiibii, my babe, Maxbuuskii mar kaluu baxsaday,isaga oo neeftuuraya ayuu ku yiri: naa na daa,naftaad naga qaadaye, ma Maxbuuska in xabsi daa’in lagu xakumay ayaad u maleeysay.fiiri sawirka 4aad.

( Xildhibaan ayaa saaxiibkii ku yiri: mooshinkii 6aad ayaan soo wadnaa muddo 4 bilood ah dhaxdood. Saaxiibkii ayaa ku yiri: war adinka ma mooshin kaliya in la idiin doortay ayaad u maleeyneysaa).

  1. Intaan caawa isaga sii maaweesha waxaan u sii deg degayaa cawa Jaamacadda Bahgesehir University- Istanbul.


Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip