Afkeenu waa isku amaan! Soomaaliyeey Caliga deriska ah naga ilaaliya!! NASASHADA JIMCAHA.Q-63-aad.

0
Friday October 06, 2017 - 23:21:44 in Wararka by
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afkeenu waa isku amaan! Soomaaliyeey Caliga deriska ah naga ilaaliya!! NASASHADA JIMCAHA.Q-63-aad.

    1-Wiil ayaa habeen isaga oo ka sii baxay guriga reerkooda, hooyadiis weeydiisay, waqtigaan XAGEED U SOCOTAA? Isaga oo aan u jawaabin ayuu iska baxay,waddada ayuu Taxi ku joojiyay isaga oo rabo inuu sii raaco. Taxsiilihii ayaa weeydiiyay : XAGEED U SO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wiil ayaa habeen isaga oo ka sii baxay guriga reerkooda, hooyadiis weeydiisay, waqtigaan XAGEED U SOCOTAA? Isaga oo aan u jawaabin ayuu iska baxay,waddada ayuu Taxi ku joojiyay isaga oo rabo inuu sii raaco. Taxsiilihii ayaa weeydiiyay : XAGEED U SOCOTAA?.

Dib ayuu uga sikaday,waa isla su’aashii ay hooyadii ay weeydiisay! Wiilkii wuxuu yiri: Waad caqli xun tahay, hooyadeeyba uma sheegin halka aan u socdo, sideen adiga kuugu sheegaa?.

(Gudiyada Baarlamaanku baaritaan u xilsaaro ha weydiin waxay la soo kulmeen, illeyn kuwii u dirayba warbixin kuma soo celiyaane, waxbaan la soo qaban miyaa? Ma ogi ).
2-Laba doqon ayaa Tuug u soo galay gurigii ay degganaayeen,Tuugi ayaa bistoolad la soo baxay oo ku yiri: kii dhaq dhaqaaq yar sameeya waan tooganaayaa, Wixii guriga yiil ayuu urursaday waana iska baxay Tuugii.


Labaddii doqon midkood ayaa qosol la dhacay. kii kale ayaa ku yiri: Maxaad ku qosleysaa? Wuxuu ku yiri: Caawa oo dhan suulka ayaa dhaqdhaqaajinayay, imana dareemin tuugu, wuxuu u maleeynayay in aan amarkiisa qaatay.Fiiri sawirka 1aad.


( Siyaasiyiineey…Berri ha noogu faanina Itoobiyaanku in aan amarkooda qaadanay ayeey u maleeyeen, anaguna suulashaan dhaq dhaqaajinaynay).
3-Nin warqadii Nikaaxa (Certificate of Marriage) rogrogayay ayaa xaaskiisu weydiisay.haye, maxaad warqada ka baareeysaa?. Waxa uu ku yiri: Waxaan doonayay in aan ogaado waqtiga ay dhaceeyso (Expiring date). Fiiri sawirka 2aad.
4-Nin baa xaaskiisii ku yiri: Caashooy, haddad Hindiya joogi laheyd, dadku wey ku karaameeyn lahaayeen!.Inta ay faraxday ayay ku tiri: Ma waxaad uga jeedaa waan qurux badanahay oo Xuurul Ceyn iyo Ahlu khayr ayaan ahay?. waxa uu yiri: mayee SAC. Fiiri sawirka 3aad.
(Ar maamul gobaleedyada yaan faanka laga badin, yeeyna wax kale isku maleeynine, haddii kale Hindiya hala geeyo,Dalka Lo’da laga xushmeeyo)
5-Nin Soomaali ah iyo nin Yamani ah oo marqaansan ayaa Murankoodii iyo Af lagaadadoodii meel xun gaartay.yamanigii oo careeysan ayaa ku yiri: Yaa Axmaq, ma garanaysaa Somaalida iyo xayawaanku waxay wadaagaan?.Soomaaligii ayaa ku jawaabay: waan garanayaa,Waa Badda Cas. Fiiri sawirka 4aad.
6-wiil yar ayaa hooyadii weeydiiyay: Hooyo Firinjiteerka (Talaajadda) yaa noo soo iibiyay?, Waxay ku tiri: Cali, ninka deriskeena ah.
Wuxuu ku yiri: Hooyo TV-ga yaa noo soo iibiyay? Waxay ku tiri: Caliga deriskeena ah.
Wuxuu ku yiri: Hooyo telefonka yaa kuu soo iibiyay? Waxa ay ku tiri: Caliga deriskeena ah.
Wuxuu ku yiri: Aabaheey waxba ma keenin miyaa?, Waxay ku tiri: war naga aamus doqonyohoow,haddaan Aabahaa wax walba ka sugi lahaa, Adigu xatta ma aadan dhalateen, sow ma ogid !. fiiri sawirka 5aad.
( Annaga yaa bixiya kharajka ciidanka? EU. yaa Gobalada maamula? Itobiya iyo Kenya. yaa dekedaha noo maamula? Turkey iyo imaaraad. yaa xarumaha dowlada iyo madaxda Ilaaliya? AMISOM….yaa, yaa. Dowladuna maxeey qabataa?. Shib iska dheh Haddii aan Dowlada wax walba ka sugi laheeyn, Villa Somaliyaba Habeen laguma hoydeen, Xildhibaanadana haddii la dhihi lahaa kaalaya Mooshin sharuur leh ayaa jiree,kooramku ma buuxsami laheeyn,Niarobi iyo ka sii fog ayaa laga baadi goobi lahaa. saas miyaa!!!!!, Shib iska dheh, afkeenu waa isku amaan! Soomaaliyeey Caliga deriska ah naga ilaaliya).
FG: Nasashada jimcaha waxaa loogu talagalay in looga nasto howshii usbuuca, murtina la wadaago, la iskuna maaweeliyo ee yaan loo qaadan siyaasad. Kamana maqna!!!!.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip