Ciyaaryahan Soomaali ah oo ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee Ruushka ka dhacaya (Sawirro)

0
Wednesday October 04, 2017 - 13:48:37 in Wararka by
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Soomaali ah oo ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee Ruushka ka dhacaya (Sawirro)

    Ciyaaryahanka Soomaaliyeed Mukhtaar Ali Afgooye ayaa ka mid noqday Xulka Kubadda cagta ee Sacuudi Carabiya, iyadoo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay siisay dhalashada dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed Mukhtaar Ali Afgooye ayaa ka mid noqday Xulka Kubadda cagta ee Sacuudi Carabiya, iyadoo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay siisay dhalashada dalkaas.

Mukhtaar Ali oo ku dhashay dalka Sacuudiga sanadkii 1997, ayaa ku koray dalka Ingiriiska, waxaa uu ka mid noqday da’yarta Kooxda K/cagta ee Chelsea, isagoo ka baxay Akadeemiyada kooxdaas.

Waxaa uu soo ciyaaray Xulka Ingiriiska, gaar ahaan ciyaartoyda ay da’dooda ka hooseyso 16 iyo 17 jirka.

Sanadkii hore ayuu amaah ahaan ugu biiray Kooxda ka dhisan Horyaalka Holland ee Vitesse Arnhem, waxaana bartamihii sanadkan uu u saxiixay heshiis joogto ah.

Waxaa uu Kooxda Chelsea kula guuleystay Koobka da’yarta ee FA Youth Cup iyo Koobka da’yarta Horyaalada Yurub ee Uefa Youth Cup sanadihii 2015/2016.

Mukhtaar Cali oo 19 jir ah ayaa ah ciyaaryahan xirfad leh, waxaa uu ka ciyaaraa Khadka Dhexe, waxaa uu noqon doonaa Ciyaaryahankii u horeeyay oo Soomaali ah oo ka qeyb gala Tartanka Ciyaaraha Adduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka sanadka 2018.

Qoraal ku qornaa afka Carabiga oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu uga mahad celiyay U adeegaha Labada Xaram iyo dhaxal sugihiisa, waxaa uu tilmaamay inay sharaf u tahay inuu u adeego Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana uu matalo Xulka Qaranka.

Ciyaaryahan Mukhtaar Cali ayaa Tababar la bilaabay xulka Kubadda cagta ee Sacuudiga oo mar hore ku guuleystay inuu xaqiijiyo u soo bixida Koobka Adduunka.

Sacuudiga Carabiya ayaa ugu dambeysay ka qeyb galka Koobka Adduunka sanadkii 2002 ee lagu qabtay dalalka Korea iyo Japan.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip