Mooro isagu keen aa !!!!!!. =Faallo=

0
Wednesday October 04, 2017 - 10:26:35 in Wararka by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooro isagu keen aa !!!!!!. =Faallo=

    Nadaam kasta waxa uu ku saleeysan yahay ayuu u egyahay. Madaxweeynihii 16aad ee Mareeykanka Abraham Lincoln ayaa yiri: "Government of the people by the people to the people ". Waa dowlad dadka ka timid dadka u timid dadkana u shaqeeysa. An

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nadaam kasta waxa uu ku saleeysan yahay ayuu u egyahay. Madaxweeynihii 16aad ee Mareeykanka Abraham Lincoln ayaa yiri: "Government of the people by the people to the people ". Waa dowlad dadka ka timid dadka u timid dadkana u shaqeeysa. Anaga " Government of the clan, by the clan to the clan". Ama "Government of Money, by the money ,to the money" ama Government for the interest of other countries by other countries, to other countries. Dowladu haddii ay Qabiil, Lacag ama dana dowlada kale dantood ay ku timid waxay ku saleeysan tahay ayey u shaqeynee, haddii qabiil 4.5 ah lagu saleeyay , lagu soo xulay, lagu dhisay. Maxaad ku diidee inay qabiil ku shaqeyso. Xildhibaan ayaa odaygii qabiilku gacanta ka qabtay sidii Arday yar oo iskool loo wado, kan ayaan keenay ayuu yiri, lacagna waa lagu bixiyay.

Xildhibaankiina wuxuu soo dhisay maamul uu ku xushay Qabiil, lacag ama dana Dowlada kale oo Gujo hoose ayaa jirtay.

Xildhibaanku mid Qarn iyo mid Gobalba wuxuu u shqeeyaa Qabiilkii, lacagtii iyo dantii, ilayn sharci, Nidaam iyo rabitaan Dadweyne oo la tixgaliyay ma jirinee.
Lincoln ayaa mar kale yiri: "You can fool all the people some of the time, and some of the people all the time, but you cannot fool all of the people all the timeā€¯taa oo ah in dadka oo dhan waad dhagri kartaa waqti gaaban, dad yarna waxaad dhagri kartaa waqti dheer, Laakin dadka oo dhan ma wada dhagri kartid waqti dheer.


Haddaan ka soo tagno Murtida odaygaa Qawaarka ahaa ee Mareeykanka, caqli ahaan , been kuma soconayso hogaamin bulsho, dadku waxay rabaan in adeege loogu noqdo ayaa ah hab fudud. sida dadka ay tahay in loo hogaamiyo iyo in hogaanka loo soo xullo, waxa si cad loogu sheegay Diinta Islaamka oo wax kasta oo maamul la xiriira ku saleeysay in cadaalad la helo.
Cadaalad+Qabiil+Qaran + Lacag+ Dan dowlada kale, in meel la iskula xareeyo ee lagu horuumaro ma fududa, qofkii moora maamul iskula xereeyn lahaa asaga ayay u taal.

FG: Ha u qaadan in aan cid gaar ah ku dulminayo, waa aragti guud. wixii ka khaldan ka sax, dhaliil, dhameeystir aragtidaadu waa muhim.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip