Booliska oo howl gal gaar ah ay ka fuliyeen guri ku yaalla Yaaqshiid ku qabtay walxaha qarxa

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:49:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo howl gal gaar ah ay ka fuliyeen guri ku yaalla Yaaqshiid ku qabtay walxaha qarxa

    Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howl gal gaar ah oo ay ka fuliyeen guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ku qabtay waxyaabaha qarxa iyo raggii diyaarinayay, iyadoo howl galkan uu dhacay xalay saqdii dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howl gal gaar ah oo ay ka fuliyeen guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ku qabtay waxyaabaha qarxa iyo raggii diyaarinayay, iyadoo howl galkan uu dhacay xalay saqdii dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, isla markaana adeegsanayay eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ayaa u dhacay guriga ku yaal degmada Yaaqshiid oo dhowaanahan ciidamada ay xogtiisa hayeen.

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in muddo ahba la daba socday gurigan, isla markaana la soo qabtay waxyaabaha qarxa oo la diyaarinayay, iyo dad gaaraya 11 ruux.

"Wardoonka Booliska waxaa uu daba socday gurigan oo waxyaabaha qarxa lagu diyaarinayay, waxaa mar walba ciidamada gacan ku siiya howlahan shacabka”ayuu yiri Jen. Mukhtaar oo wariyeyaasha u waramayay.

Jen, Mukhtaar ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka la soo qabtay ay faraha ku jireen waxyaabaha qarxa, halka sagaalka kalena lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkan.

Ma ahan markii u horeysay ee ay ciidamada howl gallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyaan magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr jeer howl gallo dad lagu soo qabtay laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada.

taliye xigeenkawalxo qarxa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip