Antonio Conte oo caro ka muujiyey kulanka wiilashiisa Blues ay Man City

0
Friday September 29, 2017 - 14:05:40 in Wararka by
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte oo caro ka muujiyey kulanka wiilashiisa Blues ay Man City

    Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa caro ka muujiyey kulanka ay berri oo Sabti ah la dheelayaan Manchester City ee horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa caro ka muujiyey kulanka ay berri oo Sabti ah la dheelayaan Manchester City ee horyaalka Premier League.

Macallinka reer Talyaani ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn nasiino la’aanka kooxdiisa ka hor kulanka horyaalka Premier League ee ay soo dhaweynayaan kooxda qaab ciyaareedka sare ku jirta ee Man City kana tirsan kulamada 7-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Blues ayaa kulan adag oo ay waqtigii dhimasha guul ka soo gaartay Champions League naadiga Atletico Madrid oo ay uga soo adkaatay 2-1 habeen hore soo dhaweyn doonta berri kooxda Man City, laakiin tababare Conte kuma faraxsana nasiino la’aantiisa kooxdiisa.

Geesta kale kooxda tababare Pep Guardiola qudheedu nasiino badan ma haysato, waxaana xusid mudan inay 2-0 ku soo dhaaftay naadiga Shakhtar Donetsk kulan ka tirsan Champions League habeenkii Talaadada.

"Runtii aad baan uga wal-walsannahay kulanka aan Sabtida la qaadan doono Manchester City ee aanan ahayn xitaa maalinka Axadda, laakiin waxaan isku diyaarin doonaa sida ugu macquulsan” ayuu yiri macallin Antonio Conte.

"Ma heli doono waqti fiican oo aan ku qaadanno nasiino wanaagsan, Manchester City waxay ku ciyaartay Talaadadi garoonkeeda, inaguse waxaan u safarnay Spain, kaddib kulanka Atletico Madrid waxaan heysannaa hal maalin oo kaliya si aan isugu diyaarino kulanka Man City” ayuu Conte ku daray hadalkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip