Wax ka barro Taariikhda Dalka Jarmalka iyo Horumarka uu gaaray

0
Thursday September 28, 2017 - 10:56:25 in Maqaallo by
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka barro Taariikhda Dalka Jarmalka iyo Horumarka uu gaaray

    Dalka Jarmalka waxaa loo yaqaan jamhuuriyadda federalka ah ee Jarmalka waxaana uu ku yaala qaaradda Yurub, waxaana uu xaduud dhuleed la wadaagaa dalalka Denmark, Poland, Jamhuuriyaada Jeega, Austria Faransiis,ka Luxenburg Biljimka iyo Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Jarmalka waxaa loo yaqaan jamhuuriyadda federalka ah ee Jarmalka waxaana uu ku yaala qaaradda Yurub, waxaana uu xaduud dhuleed la wadaagaa dalalka Denmark, Poland, Jamhuuriyaada Jeega, Austria Faransiis,ka Luxenburg Biljimka iyo Switzerland. Dalkaan aanu ka hadlayno ee Jarmalka oo soo maray xaalado iyo maamulo kala duwan si weynna ugu lug lahaa dagaaladii 1,aad iyo kii labaad ee dunnida waxaa uu dhawr mar noqday 2 wadan waxaana ugu dambeysay markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunnida Jarmalku labo dal ayuu noqday waxaana loo yaqaanay Jarmalka Bari iyo Jarmalka galbeed.

Bishii October 3, sanadkii 1990 ayay midoobeen labadii Jarmal waxaana la aas aasay dawlada hadda jirta ee Jarmalka.

Hogaamiyaal la xasuusto ayaa dalkaan soo maray waxaana ka mid ahaa hogaamiyihii la oran jiray Adolof Hitler oo sidoo kalena lagu xasuuqii uu Yahuuda u geystay ee Helikost loo baxshay.

Xasuuqaas waxaa la aaminsanyahay in lagu dilay illaa 6 millyan oo Yahuud Yarub ku noolaa ahaa.

Caasimada dalka Jarmalka waxaa la yiraahdaa Berlin oo sidoo kalena ah magaalada dalka ugu weyn calanka wadankuna waxaa uu ka kooban yahay midabada Madow. Gaduud ama Casaan iyo Hurdi ama Jaalle oo siman luuqada dalkaan looga hadlana waxaa la yiraahdaa Af-Jarmal.

Tirada dadka Jarmalka waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 82 million oo qof lacagta dalkaan laga isticmaalana waa lacagta Yurub ee Yuurooga gaadiidkuna waxay isku dhaafaan marka dalkaasi la joogo dhanka Midig.

Dalkaan waxaa loo aqoonsanyahay dalka Yurub ugu dadka badan iyo dalka labaad ee qaxootiga ugu badan qaabila kuna noolyihiin.

Sidoo kale waa dalka 4,aad ee ugu dhaqaalaha ugu badan dunnida, dalka5,aad ee ugu warshadaha badan, iyo dalka Sadexaad ee wax dibbadda u dhoofiya kalana soo dega.



Waxaa uu sidoo kale xubin ka yahay Q,M ururka Midawga Yurub gaashaanbuurta, NATO ururada dhaqaalaha ku horumaray ee G7 iyo G8 ururka wadamada horumaray iyo ururo kale oo caalami ah.

Dalkaan oo ay ka jirto dawlad federal ah oo madaxdeeda lasoo doorto waxaa qofka ugu sareeya la yiraahdaa jansilor.

Hadda waxaa xilkaasi ku guulaystay markii 4,aad oo is xigta haweeneyda la yiraahdo Angle Markel.

Markel oo xilkaan haysay tan iyo sanadkii 2005 waxay dhalatay bishii July sanadkii 1954.

Dalkaan waxaa uu sidoo kale ka mid yahay 7 dal ee loogu dalxiis tagis badan yahay adduunka oo dhan waxaana la qiyaasay in sanadkii 2012 dalkaasi meelaha loo dalxiis tago booqday dad tiradooda lagu qiyaasay 407 million oo ruux.

Jarmalka oo aanu ka hadlayno waxaa uu ka mid yahay dalalka Yurub ee soo dhaweeya dadka magangalyo doonka ah waxaana sanadkii 2016 dalkaasi iska dhiibay qiyaastii 10 million oo qof.

Dadka soo galootiga ah badankood waxaa la dajiya xeryo looga sameeyo dhulka miyiga ah ee galbeedka dalkaasi ku yaala.

Xagga diimaha haddii aanu eegno dawlada Jarmalka waxay aaminsantahay in dadka dalkaasi ugu badan masiixiyiin yihiin Islamkuna waa diinta labaad ee dadka dalkaasi haystaan.

Warbixin soo baxday sanadkii 2011 ayaa sheegay in ku dhawaad 4 million oo qof oo Muslimiin ah ay dalkaasi ku noolyihiin.

Muslimiinta ugu badan ee dalkaasi jooga oo Sunniyiin ah waxay badankood u dhasheen dalka Turkiga waxaana dadka Muslimiinta ah bulshada dalkaasi ka yihiin 5%.

Dalkaan aanu ka hadlayno ee Jarmalka waxaa ku yaala masjidka Cologne la yiraahdo oo loo aqoonsanyahay inuu ka mid yahay masaajida Yurub oo dhan ugu weyn.

Masjidkaan oo ay dhiseen hay’addo Islaami ah waxaa uu qaadaa illaa 4 kun oo qof.

Laga so bilaabo tan iyo sanadkii 1970 ayaana la aaminsanyahay in Islamku ku xoogaysanayay Wadanka Jarmalka.

Jarmalku waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee warbaahini ka shaqayso waxaana dalkaan ku yaalaa 38 million oo Tv iyo 500 oo idaacadood.

Inkastoo sida uu dhaqanku u kala duwanyahay uu haddana u kala duwan yahay raashinka dalkaasi laga cuno hadda rootiga ayaa aad looga cunaa dalkaas.

Xagga cayaarahana dalkaan aad waxaa looga xiiseeya kubbadda cagta horyaalka dalkaasi laga cayaarana ee Bundusligaha la yiraahdo aad baa looga xiiseeya dunnida .

Xulka kubbadda cagta Jarmalka waxay ku guulaysteen koob adduun 4 jeer oo kala ahaa 1954, 1974, 1990 iyo 2014 halka kan Yurubna ay qaadeen.

Xulka qaranka ee gabdhaha ee dalkaasna waa kooxda ugu badan ee haysta koob adduun waxay qaadeen 2 jeer oo kala ahaa 2003 iyo 2007 iyo 12 jeer oo ay qaadeen koobka Yurub.

Dalkaan ayaa sidoo kale 2 jeer marti galiyay cayaaraha adduunka halka kuwa Yurubna lagu qabtay hal mar.

Cayaaro kale oo ay ka mid yihiin feerka baaskedka, cayaaraha barafka iyo teniska ayaa aad looga xiiseeyaa dalkaan.

 

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip