Lionel Messi Oo Kaalinta Saddexaad Ka Soo Galay Xidiga Kulamada Rasmiga Ah Ee Ugu Badan U Saftay Barcelona Iyo Xogta Waxyaabihii Ugu Muhiimsanaa Ee Uu La Soo Gaadhay.

0
Thursday September 28, 2017 - 08:09:05 in Wararka by
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Kaalinta Saddexaad Ka Soo Galay Xidiga Kulamada Rasmiga Ah Ee Ugu Badan U Saftay Barcelona Iyo Xogta Waxyaabihii Ugu Muhiimsanaa Ee Uu La Soo Gaadhay.

    Barcelona ayaa guul ka soo gaadhay kooxda Sporting Lisbon kulan ka tirsanaa heerka Groupyada Champions Leaque waxayna Barcelona guushani ka caawisay in ay halka ugu saraysa kaga sii jirto groupkeeda iyada oo 6 dhibcood ka soo heshay labadii kulan ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa guul ka soo gaadhay kooxda Sporting Lisbon kulan ka tirsanaa heerka Groupyada Champions Leaque waxayna Barcelona guushani ka caawisay in ay halka ugu saraysa kaga sii jirto groupkeeda iyada oo 6 dhibcood ka soo heshay labadii kulan ee ay soo ciyaartay. Barcelona ayaa ilaa hadda awooday in ay 8 kulan oo xidhiidh ah soo guulaysatay oo iskugu jira lix kulan oo La Liga ah iyo laba kulan oo Champions Leaque ah. Kooxda Valverde ayaa dagaal adag kala soo kulantay Sporting Lisbon balse waxay soo heleen saddexda dhibcood.


Kulankii Sporting Lisbon ayaa Lionel Messi u ahaa mid taariikhi u ahaa isaga oo noqday xidiga saddexaad ee ugu safashada badan kulamada rasmiga ah ee Barcelona wuxuuna soo qabtay kabtankiisii hore ee Carles Puyol. Lionel Messi ayay hadda ka horeeyaan laba xidig oo kaliya isaga dariiqa u saaran in in uu tartan la galo Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta.

Laakiin Lionel Messi ayaa ku fashilmay in uu shabaqa ka soo taabto kulankii Sporting Lisbon isaga oo doonayay in uu dhaliyo goolkiisii 100 aad ee tartamada UEFA maamusho wuxuuna markale sugi doonaa kulanka Olympiacos ee Camp Nou ka dhici doona marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah ee badhtamaha bisha October.



Lionel Messi ayaa Barcelona kulankiisii ugu horeeyay u saftayOctober 16, 2004 markaas oo uu badal ku soo galay kulan Catalan Derby ahaa oo ay Barcelona la ciyaaraysay Espanyol laakiin tan iyo markaas waxa uu soo ciyaaray 592 kulan oo rasmi ah wuxuuna caawa barbarayn karaa Puyol oo 593 kulan oo rasmi ah u soo ciyaaray Barcelona.

Andres Iniesta ayaa kaalinta labaad ee kulan safashada ugu badan ee Barcelona ugu jira 638 kulan isla markaana wali sii wata waayihiisa Balaugrana laakiin Xavi Hernandez ayaa rekoodhka safashada ugu badan ee Barcelona ku haysta 767 kulan oo rasmi ah.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan Barcelona shaxdeeda ku soo bilawday kulan kasta oo ay ciyaartay halka xili ciyaareedkii hore uu soo saftay 52 kulan oo ka mid ah 59 kii kluan ee ay barcelona soo ciiyaartay halka xili ciyaareedkii ka sii horeeyay uu 52 kulan ka saftay 62 kulan oo ay Barcelona ciyaartay.

Xogta Waxyabihii Ugu Muhiimsanaa Ee Uu Lionel Messi Barcelona La Soo Gaadhay:

593 kulan oo rasmi ah

⚽️519 Gool oo tartamada oo dhan ah

232 gool caawineed oo tartamada oo dhan ah

30 koob oo uu Barcelona la soo qaaday

39 Saddexley

5 Ballons d’Or

4 Golden Boots



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip