Iniesta Oo Kashifay Hadal Uu Maamulaha Barca U Sheegay Xidigihiisa Ka Hor Ciyaartii Sporting CP

0
Thursday September 28, 2017 - 07:57:04 in Wararka by
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iniesta Oo Kashifay Hadal Uu Maamulaha Barca U Sheegay Xidigihiisa Ka Hor Ciyaartii Sporting CP

    Laacibka Khadka dhexe kaga dheela Naadiga Barcelona, ee Andres Iniesta, ayaa wuxuu kasoo hormuuqday saxaafada isagoona ka hadlay qaabkii ay ahayd ciyaartii xalay oo ay kasoo badiyeen kooxda Sporting CP, oo ka tirsaneed Tartanka koowaad ee Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka Khadka dhexe kaga dheela Naadiga Barcelona, ee Andres Iniesta, ayaa wuxuu kasoo hormuuqday saxaafada isagoona ka hadlay qaabkii ay ahayd ciyaartii xalay oo ay kasoo badiyeen kooxda Sporting CP, oo ka tirsaneed Tartanka koowaad ee Yurub.

Wuxuu wiilkaan ka hadlay waxa keenay inay sameyn waayaan wixii laga filayay oo ahayd inay ku badiyaan goolal badan, isagoona u yeelay cudur cajiib ah, kaasoo laga yaabo inay ku qancaan jamaahiirta Blaugrana, waxaana wiilkaan uu ku jawaabay sidaan:

"Kani waa Champions League, Kulan waliba oo aad ku dheeleyso meel ka baxsan gurigaaga waa mid adag, Sporting waxay haystaa laacibiin fiican oo waa weyn, kuwaasoo noola dheelay si wanaagsan, waxaan filayaa inaan la ahayn hadafyo badan, sedexda dhiboocood ayaana muhiim ahayd,” ayuu yiri Iniesta.

Sidoo Kale, xidigaan ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in maamulaha Barcelona uu soo faray ka hor kulankaan inay badiyaan, sida caadada iska ahba, balse aysan suura gelin, oo nasiib ayaa naga hiiliyay ayaa kusii daray hadalkiisa laacibkaan khadka dhexe kaga dheela.

Ugu dambeyntii, guushaan lagu sheegay inay ahayd mid tacbaan ah, oo ay gaartay Barcelona, ayaa waxay uga dhigan tahay inay noqon doonaa, kuwa noqday inay kaalinka koowaad ka galaan Group-kooda D, waxaana ay ku qanacsan yihiin sidaas, sida uu qiray Andres Iniesta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip