MAXAA QABYAALADA LOOGA FUJIN LA'YAHAY SOOMAALIDA?{Dood}

0
Tuesday September 26, 2017 - 14:15:12 in Maqaallo by
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA QABYAALADA LOOGA FUJIN LA'YAHAY SOOMAALIDA?{Dood}

    In badan ayaa laga hadlaa qabiilka iyo dhibaatooyinka , uu u leeyahay ummaddeenna. Marar badan waxaa la sheegaa in qabiilku naga horjoogsadey horumarkii ummaddu tiigsan lahayd,laakin marna leysma weydiiyo sababta ay dad badani ugu dheggan yihiin qaby

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In badan ayaa laga hadlaa qabiilka iyo dhibaatooyinka , uu u leeyahay ummaddeenna. Marar badan waxaa la sheegaa in qabiilku naga horjoogsadey horumarkii ummaddu tiigsan lahayd,laakin marna leysma weydiiyo sababta ay dad badani ugu dheggan yihiin qabyaaladda,iyagoo malaha,u arkaya iney ku heystaan faa'idooyin (haba yaraadeene) eeyan meel kale ka heleyn.Markaa,ayaan jecleystay inaan labo nin oo u kula hadlaya qabiilka waxtarkiisa iyo in Dawladnimo ka roon tahay qabiilka lagu dheggan yahay, inaan dooddooda idiin soo gudbiyo.

Midka u hadlaya qabiilka iyo nacfiga lagu heysto waxaa lagu magacaabaa jaalle CALI BOOTOOLE, kan kale oo leh waxa habboon tahay in habka Dawladnimada la xoojiyo, waxa la yiraahdaa Jaalle CUMAR SANBUUR, bal marka ila akhriya arrintan.(Fiiro gaara, dooddani ma aha fadhi ku dirir, ee waa mid cilmiyeysan, magacyada nimanka matalayaana waa kuwo malo-awaal ah)!!

CALI BOOTOOLE: In badan ayaa laga hadlaa qabiilka iyo waxtar la’aantiisa; Qabiilka dad badani waxay ku sheegaan inuu hor istaagey hormarkii Ummaadda soomaaliyeed tiigsaneysey,waxaa kaloo la sheegaa inuusan qabiilku Ummadda, u lahayn xitaa wax yar oo faa’ido ah.Taasi waa wax ka fog runta iyo xaqiiqada taagan.Qabiilku wuxuu u leeyahay qawaaniin iyo xeerar lagu maamulo, dadka qabiilka wada sheegta.

Arrimahaas oo dhan, dadka ku abtirsada qabiil kasta oo soomaaliyeed waa kuwo ay la socdaan,xitaa caruurta yaryar, ayaa intey yaryar yihiin la baraa taariikhda qabiilkooda iyo dagaalladii horay qabiilkoodu ula galay qabiillo kale. Qabiilku, waa dhaqan soo jireen ah oo faa’idooyin leh.

 

Dadweynaha soomaaliyeed waa dad caqli ILAAH siiyey, waana garan karaan meeshii nacfi u leh iyo faa’ido, waana taas sababta dadku uga fuqi la’ yihiin qabyaaladda !!
CUMAR SANBUUR: Anigu intaad sheegtay oo dhan kulama qabo.Horta, qabiil iyo Dawlad wax laysku doorsado ma ahan.Qabiil waa kan na dhigay meesha maanta aannu naal.Qabiil, horumar ma laha,qabiil waa dib-u-dhac iyo jaahilnimo,waa dagaal taagaan iyo kala tag. Xeerarka iyo qawaaniinta aad ka hadashay maaha kuwo meel fog ku geynaya.Qabiil waa talo la’aan,waa gaajo joogto ah iyo macaluul, qabiil waa abaar.

 

Qabiilku, meeshii uu wax ka hor marin lahaa sida Dawladda, ayuu dumiyaa hormarinta ruuxeeda. Qabiilku midnimo dadweyne ma leh,horumar kalena iskadaa.Dawladnimo ayaa horumar leh,iyadaa dadkeeda ka saari karta gaajada iyo macaluusha ay maanta la il daran yihiin.

Qabiil waa khasaaro,wax faa’ido ahna umalaha Ummaddeenna.Qabiil wuxuu soo jirey qarniyaal fog fog,welina wax faa’ido ahoo uu Ummaddeenna u keenay lama arkin,lamana arki doono!

CALI BOOTOLE: Horay waxaan kuu sheegay in qabiilka aan muddo dheer ku soo nooleyn,waana ku soo dhaqannay,waana ku dhaqmi doonaa haddii Alle idmo. Qabiilku wuxuu leeyahay qorshahiisa iyo himilooyinkiisa.Qabiilku,waa iskaashadaa,waa isu-gargaaraa,waa iskuduuban yahay,qofkii dhinta caruurtiisa waa laga warqabaa,kii la xiro waa loo gurmadaa,qofkii dhibaato kale la kulma waa loo wada kacaa.Markii qabiilka la soo weeraro oo degaankiisa qabiil kale soo galo gaashaankaa loo daruuraa oo waa laga saaraa kuwaas dhul fidsiga wada. Kii shaqoda laga joojiyo caaqilkiisa ayuu u soo cararaa oo gartiisa Dawladda hor dhiga, Qabiilku, guud ahaan wuxuu u roon yahay dadka masaakiinta ah, Caaqilka qabiilkuna wuu ka warqabaa dadkiisa habeyn iyo maalin!!

CUMAR SANBUUR: Caliyoow,waxaa ii muuqata,inaadan fahamsaneyn waxa Dawladnimo tahay iyo waxay qaban karto.Marka,waxay ila tahay in adiga iyo inta kaloo jecel qabyaadda in loo furo wacyigelin leydinku barayo waxa Dawladi tahay iyo waxa demokradsiyadu tahay,iyo sida Dawladi u dhisan tahay !

Qabiil, wuxuu ka koobnaa dad yar oo kooban oo hal ceel ka cabbi kara,Dawladna waxay maamushaa malaayin qof oo isutegey oo ku wada nool hal Dal, oo laga yaqaan Adduunka kale. Dawladi, waa horumar guud,waxayna dhisi kartaa kumaanyaal waxyaabood oo dadka ay maamusho horumar u keeni kara muddo gaaban gudaheeda. Dawladi, waa tan la macaamisha Dawlado kale oo ay isgarabsadaan. Dawladi, waxay leedahay hey’ado badan oo dadweynaha maalin kasta u faa’ideeya, dadkeeda dugsiyo ayey u furtaa,qaar shaqo iyo mushaar bey siisaa, qaar kale caafimaadkooda ayey uga shaqeysaa gudaha Dalka, iyadoo dibedda u direysa qaar kale. Dawladi waxay ilaalisaa amniga Dalkeedada iyo dadkeeda iyadoon u kala qeybin qabiil qabiil.

Laakin, qabiil dadkiisa iyo jifooyinkiisa ayuu isku diraa,qabiil Dal ma ilaalin karo,faa’idooyinka aad ku sheegteyna kuwa waxtar leh oo ummad lagu hogaamin karo ma aha.

CALI BOOTOOLE: Horta, walaal waa sidaad sheegtay,oo waa la wada og yahay in Dawlad iyo qabiil farqi weyni u dhexeeyo dhinac kastaba,laakin qofka miskiinka ah oon aqoon lahayn,waxna haysan,waxaa waxtar u ah waxyaabaha yaryar oo uu arkayo,kuwaasaa isaga micne weyn ugu fadhiya, waxyaabaha Dawladdu qorsheyneyso oon la ogeyn mar ay imaan doonaan, isaga waxba uguma yaalliin!! Marka inta yar oo uu ka helayo qabiilka ayaa isaga la ah wax weyn!!

Haddaad i tiraahdo qabiilku iimo badan buu leeyahay waa wax macquul ah.Walaal, annagu inaan ka hadalno iimahaas iyo sidii iyagaas loo yareyn lahaa, ayaa loo baahan yahay ,waana kuwa af gaalaadka lagu yiraahdo " THE EVIL PART OF TRIBALISM” sida kala aargoosashada,eexda,isu-xulifeysiga xumaanta iyo xaqdarrada ALLAHA WEYNI naga xarrimay, ficiloda qabiileysan, u adeegsiga qabiilka maamulka Dawladeed dhexdiisa, dagaallo aan laga fiirsan khasaarahooda oo qabiilku sababo had iyo jeer, laakin waxyaabaha wanaagsan oo qabiilku sameeyo waa wax loo baahan in la qaato oo weliba la dhiirrigeliyo.

CUMAR SANBUUR: Caliyow, sida hadda ii muuqata, sidaad markii hore iila hadleysey waad ka soo dabacdey oo,waad qiratay in qabyaaladdu waxyaabo badan, oon wanaagsaneyn ay u horseedo dadkeenna, waxaa marka loo baahan yahay in waxyaabahaas sidii loo tirtiri lahaa ficilkooda la galo.

Aniga , marna doodeydu ma ahayn in Qabyaaladda la yiri waa leysku garanayaa (LI TACAARAFUU), inaan wax ka sheego, laakin waxaad ila mooddaa in dadku arrintaas siyaabo kale u fahmeen ,waana taas arrinta aan ka soo horjeedaa!!

CALI BOOTOOLE: Walaal CUMAR, sidey ila tahay horta, markasta waxa wanaagsan,in wax leys fahamsiiyo, iyadoo dadkeenna in badan oo ka mid ahi, eeyan weligood waxna baran ,waxna akhrin. Waxaana dadkaasi markaas u baahan yihiin, in qunyar wax loogu sheego, oo wax loo fahamsiiyo.

Matalan, dadka garanaya sida Dawladi u shaqeyso wey yaryihiin,kuwa garanaya waxa Demokradsiya tahayna, iyaguna waa ka sii yar yihiin kuwaas. Dawlad kasta hey’adaheedu waa iney isugu xirnaadaan sida silsidda ooy misana sidaa kuwada shaqeeyaan. Arrimuhu waa ineyan noqon isku soo boode, waxaa loo baahan yahay wacyigelin dheer iyo wax fahansiin badan.

Weli annagu waxaan la rafaneynaa oon isku qaseynaa HABKA Dawladnimo iyo kan qabiilka. Walaal, inkastoo aan annagu hadda Dawlad sheeganeyno haddana, waxaa la dhihi karaa ,weli kama aannaan soo kaban dhibaatadii weyneyd oo aan isgaarsiinney iyo burburkii lixaadda lahaa oo inaku dhacay!!!

CUMAR SANBUUR: Aad Ayaan kuula qabaa in Dawladdu u soo jeesato iney Dadkeeda siiso WACYIGELIN dinacyo badan taabaneysa.Waxaa kaloo loogu baahan yahay, siiba dhallinta soo koreysa in duruusta loo dhigayo lagu daro, Dal jeceylka,qiimaha hufnaantu leedahay,ka fogaanshaha musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinkiisa, iimaha xunxun ee qabyaladdu leedahay iwm. Waxaa kaloo ila habboon in colaadahan qabyaaladeysan, ee had iyo jeer ka dhexdhacaya Reerguuraaga , inaan la dhayalsan ee dadaal weyn la gesho, si loo kala badbaadiyo dadkaas iska dhimanaya oo aannaan ka maarmin soomaali ahaan iyo Dal ahaanba.

 

Walaal CALI, waxay ila tahay inaan hadda soo gabagabeyn doonno doodayada, annagoo in badan kala faa’ideysannay,Ummadda soomaaliyeed oo na akhrisateyna, waxyaabo badan u iftiiminnay.
Intaa ayey isku raaceen Jaalleyaal Cumar Sanbuur iyo Cali Bootoole,iyagoo misana doonaya iney doodo kale oo muhim ah, u soo jeediyaan Dadweynaha Soomaaliyeed, Insha’ALLAH.

 

 

-DOODDAN WAXAA HINDISEY OO QORAY ,Dr.C. KARAANI.
-WAXAA JILAY, CUMAR SANBUUR IYO CALI BOOTOOLE.
-TAAR/BISHA SEPTEMBAR 2017.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip