WARBIXIN: M/Goboleedyada oo dhaqaale ku qaatay taageerada Sacuudiga

0
Friday September 22, 2017 - 16:35:00 in Maqaallo by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: M/Goboleedyada oo dhaqaale ku qaatay taageerada Sacuudiga

    Waxa soo baxaya xogo hoose oo aan heleyno oo sheegaya in inta badan dowlad goboleedyada dalka ka jira ay dhaqaalo ku qaateen taageerada dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka, xiriirkana ay ugu jareen dowlada Qatar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa soo baxaya xogo hoose oo aan heleyno oo sheegaya in inta badan dowlad goboleedyada dalka ka jira ay dhaqaalo ku qaateen taageerada dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka, xiriirkana ay ugu jareen dowlada Qatar.

Golaha Wasiirrada oo shir yeeshay 6-dii June, 2017-kii ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo.

Go’aankaas ma ahayn mid ay ku qanceen maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo iyaga badankood si iskood ah u sheegay in ay la safteen Sucuudiga, xiriirkana u jareen Qadar.

Saddex bilood kadib xaaladdii muranka khaliijka ayaan wali damin, gaar ahaan gudaha Soomaaliya oo hadba maamul goboleed hor leh uu go’aan ka qaadanayo uu kaga soo horjeedo kan dowladda dhexe.

10-kii Bishii June ee 2017-ka, Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay la safan tahay Sucuudiga iyo Imaaraatka, islamarkaasna xiriirka u jartay Qadar.

16-kii Agoosto, 2017 war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in Maamulka uu xiriirka u jaray Qadar, islamarkaasna la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Sababta ugu weyn ee loo cuskaday go’aankaas ayaa lagu sheegay in xiriir dhaqaale iyo mid iskaashi oo qoto dheer uu ka dhaxeeyo Puntland iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka.

18-kii bishan Sabtembar, 2017-ka ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa isna lagu sheegay in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay moowqifka Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Qadar.

20-ka bishan Septembar 2017-ka, Galmudug ayaa noqotay Maamul Goboleedkii ugu dambeeyay ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Qoraalka oo isku si ay u qornaayeen kii ka soo baxay Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan maamulka ka tala gelinin go’aankii ay ka qaadatay muranka gacanka.

Xogo ay heeshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in dowlad goboleedyada ay dhaqaalo xoogan ku qaateen taageerida dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka halka maamulada qaarkoodna in dani ay ugu jirto la safashada Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Wasiirka hore ee Dastuurkaiyo dib u heshiisiinta maamulka GalmudugCismaan Maxamed Cali ayaa qawb in dowlad goboledyada ay dhaalo ku raadinayan midaasi.

Cismaan Dheere ayaa sheegay sababaha ku qasbi kara dowlad goboleedyada in ay ka soo horjeestaan mowqifka dowladda ay saldhig u tahay Wasiirada iyo Xildhibanada dowlad goboleedyada oo sheegay in aysan qaadanin dhaqaalo ku filan ama mushaarkooda ay ku shaqeynayeen.

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa aaminsan fikir ka duwan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed dhinaca xiriirka caalamiga ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa aaminsan in xiriirka dibbada ay xaq u leedahay dowlada Federalka, doorka dowlad goboleedyaduna ay ku leeyihiin uu yahaytalo bixin iyo farsamo.

Maamulka Jubbaland ayaanan weli ka hadlin moqifkooda khilaafka wadamada carabta.

Hase yeeshee waxaa muuqata kala qeybsanaan ballaaran ay soo kala dhexgashay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah oo ku saabsan muranka carabta.

Lama oga halka ay ku dhammaan doonto kala qeybsanaantan, waxaase jirta saansaan muujinaysa in uu u talaabay Baarlamaanka maadaamaa xildhibaanno labada Aqal qaarkood ay warbaahinta aragtidooda ka dhiibanayaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh Qadar iyo xulafada ay is hayaan ee Sucuudigu hor kacayo, umana sahlana in ay xiriirka u jarto midkoodna.

W/D:- Mohamed Abuukar Dabaashe

Audio Player
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip