Taageerayaasha Chelsea aqbaar ay ku farxaan ayuu Tababare Conte la wadaagay

0
Monday September 18, 2017 - 20:53:51 in Sports News by
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Chelsea aqbaar ay ku farxaan ayuu Tababare Conte la wadaagay

    Macalin Antonio Conte kooxdiisa Chelsea kulankeedii ugu dambeeyay waxay 0-0 la dhaafi weesay naadiga Arsenal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalin Antonio Conte kooxdiisa Chelsea kulankeedii ugu dambeeyay waxay 0-0 la dhaafi weesay naadiga Arsenal.

Waxa ugu weyn ee la is weediyay kulankii London Derby wuxuu ahaa sababtii macalin Conte shaxdiisa kowaad Eden Hazard ugu soo bilaabi waayay.

Hogaamiyaha reer Belgium Eden Hazard oo xili cayaareedkii hore Blues EPL u qaaday weli cayaar si toos ah looguma soo bilaabin tan iyo markii uu dhaawaca kasoo kabtay.

Macalin Conte wuxuu yiri "Yaan laga wel welin xaalada Eden Hazard, hubanti ahaan kulanka Nottingham Forest ayuu kusoo bilaaban doonaa madaama uu hada 100% soo kabtay”

Chelsea waxay arbacada la cayaari doontaa naadiga Nottingham Forest kulan ka tirsan tartanka EFL Cup wuxuuna macalin Conte xaqiijiyay in kulankaan noqon doono midka ugu horeeyo Hazard xili cayaareedkan lagu soo bilaabi doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip