Kuma ayuu ahaa Malcom X? Halyeeygii Dadka Madow ee Mareykanka

0
Monday September 18, 2017 - 11:10:41 in Maqaallo by
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuma ayuu ahaa Malcom X? Halyeeygii Dadka Madow ee Mareykanka

    Haddii aanad u dhimanayn darteed, erayga "xornimo" ka saar qaamuuskaaga" iyo "haddii waxba aanad u noolayn, wax waliba waa ay ku ridi karaan". Baa ka mid ahaa halhaysyadii kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Halyeeygii Malcom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aanad u dhimanayn darteed, erayga "xornimo" ka saar qaamuuskaaga" iyo "haddii waxba aanad u noolayn, wax waliba waa ay ku ridi karaan". Baa ka mid ahaa halhaysyadii kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Halyeeygii Malcom X.

Midabkiisii madoobaa, sankiisii ballaarnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom X iyo ciddii la sooc ahaydba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka ahayn. Koox lagu magacaabi jiray "Ku Klux Klan” baa ahayd koox culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu kala kulmi jireen.

Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas aasay koonfurta Mareykanka Sannadkii 1866-kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. K.K.K waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid caddaan ah.

"Aniga oo uurka kugu sida bay koox ka tirsan K.K.Klan oo madaxa duubani albaabka innagu soo garaaceen. Waxay ay doonayeen oo ku hanjabayeen in uu aabbahaa soo baxo oo ay dilaan” ayey Malcom hooyadii isaga oo yar u sheegtay. Mar kale ayey Kooxdaa Cunsiriyiinta ah burburiyeen daaqadaha iyo qayb ka mid ah gurigooda taas oo ku kelliftay Earl Little (Malcom Aabbihii) in uu ka guuro magaalada Omaha Gobolka Nebraska una raro reerka East Lansing.

Mararka qaar dhibka iyo tacaddiga waxa aad kaga guurtaa magaalo ama xaafad ay ka jirto. In uu Earl Little reerkiisa uga soo raray Omaha dhibkii waxba kama ay dhimin. Kolkii ay yimaaddeen Lansingba gurigoodii baa dab la qabadsiiyey. Dab dammiskii magaaladuna ma uu u gurman, iska daaye waa ay diideen in ay wax qabtaan. "Askartii caddaanka ahayd iyo dab damiskii waa ay yimaaddeen, hareeraha ayey ka istaageen oo daawadeen ilaa gurigu basbeelay” buu yiri Malcom oo ka sheekeeyay.

Sannadkii 1931-kii lix sano ka dib dhalashadiisii Malcom waa uu agoomoobay. Maydka aabbihii oo madaxu garab yaal baa la helay, oo la aamminsanyahay in kooxda xag jirka cadaanka ee K.K.K qurgooyeen. Waayo jeerar hore ayey ugu hanjabeen in ay khaarajin doonaan.

Dugsigiisii sare Malcom X waxa uu ka galay ‘West Junior High School’ oo gaar u ahaa dadka madow. "Noloshu waxyaalaha ay innooga baahantahay waxa ka mid ah in aynu noqonno run la noolayaal…..wax aad noqon karto dooro… Maxaad u qorsheysan waydey in aad noqoto Nijaar?” buu macallin caddaan ahi ku yiri mar uu waydiiyey waxa uu rabo in uu noqdo, oo uu "Garyaqaannimo” doortay Malcom.

Hadalka macallinkaas baa loo aaneeyaa sababtii uu uga tegay Malcom X waxbarashada. Mid kale oo dhibaatooyinkii midabtakoorka cunsuriyaddu noloshiisa ku waxyeellaysay bay ahayd.Ka dib ka bixiddii dugsiga, Malcom X waxa uu la degay walaashii oo ku noolayd Magaalada Boston. Shaqooyin door ah buu ka qabtay Boston oo ay ka mid ahayd kabacaseyntu. Kolkii dambena dadka mukhaadaraadka ka shaqeeyay buu ka mid noqday oo aakhirkii lagu xiray laguna xukumay toban sanno oo xarig ah.

Lix sanno oo uu xabsiga ku jiray ka dib, waxa la sheegaa in is geddi maskaxeed iyo mid ruuxeed uu ku dhacay Malcom X. Sababta oo ahayd akhrinta buugaag door ah oo uu isku dhaafin jirin waqtigii uu maxbuuska ahaa iyo dad muslim ah oo uu kula kulmay xabsiga. Sii dayntiisii ka dibna, waxa uu xiriir uu la sameeyay hoggaamiyihii ummadda muslimiinta ee madowga ee Mareykanka oo loo yaqaannay Al Xaaj Maxamed. Halkaas uu Malcom diinta Islaamka ku qaatay.

Urur diimeedka Ummadda Islaamka ayuu aqoon badan ka kororsaday. Ururku waxa uu ahaa mid u jira helidda maamul madax bannaan oo ay helaan dadka madowga ahi, si ay uga baxaan gumaysiga caddaanka. Malcom si buuxda ayuu ugu go’ay la shaqaynta hoggaamey Al Xaaj Maxamed ilaa kolkii dambe 1952-kii uu u magacaabay wasiir iyo afhayeenka ummadda muslinka ah.

Tirada xubnaha Muslimiinta ee ururka ummadda muslimiinta kolkii xilka loo dhiibay Malcom X Sannadkii 1952-kii waxa ay ahaayeen 400,qof oo kali ah. Sannadkii 1960-kii waxa ay gaareen 30,000 oo xubnood iyada oo sababta loo tiriyo dedaallada uu Malcom X u galay faafinta iyo xoojinta Islaamka.


Dedaalkiisa joogtada ahaa iyo taageerada xooggan ee u helayey awgeed, kolkii uu iska casilay xilka wasiirnimo haya’dda sirdoonka ee FBI waxa ay bilawday dabagal iyo ka warhayn dheeraad ah oo lagu xakameeyo Malcom X.’

In badan buu u halgamay xaq u dirirka dadka madowga ah iyo in uu sheego in dadka oo dhami simanyihiin,isku xuquuqna yihiin. Hadallo yaab leh buu u jeedin jiray dadka madow, ugu caddayn jiray in ay la midyihiin qofka caddaanka. Ku dhiirrigelin jiray in aan midabkooda, samayska sankooda iyo afkooda aanay nici karin. Khudbadihiisa waxa ka mid ahaa:
"Ujeeddadeennu waa xornimo buuxda, caddaalad iyo sinnaan lagu helo si kasta oo suurto gal ah”, "Waan caddaynay xuquuqdeenna nolosha..in aan noqonno bini aadam, in lanoo ixtiraamo sida bini aadamka, in aan bulshada ka helno xuquuqda bini aadamka, dhulkan, maanta waxa aynu maskaxda ku haynaa jiritaan,si wal oo suuro gal ah”.

Malcom X Sannadkii 1964-kii waxa uu socdaal ku tegay dalal ka mid ah waqooyiga afrika iyo bariga dhexe. Safarkaasi waxa uu ku dhiirriyey una caddeeyay hoggaamiyenimadiisa ruuxiga ah iyo u jeedsiga xagga siyaasadda. Sidoo kale in xuquuq u raadinta dadka madowga la gaarsiiyo heer caalami buu soo kororsaday isla safarkaas.

Isla Sannadkii 1964-kii buu sidoo kale aaday Maka, kuna soo gutay waajibkii Xajka, kaas oo ahaa midkii ugu horreeyay uguna dambeeyay. Xaajigu waxa uu halkaas kula kulmay dad tiro badan oo kala duwan. Waxa uu sheegay in dad ay kala midabyihiin oo ay walaalo yihiin uu sooo arkay. Dalal dhowr ah buu sidoo kale soo maray. Markii uu ka soo laabtay xajkana waxa uu la soo noqday magac cusub oo ahaa "Al Xaaj Al Malik Al Shabbaas”.

Khudbadihii Xaajiga waxa aad u xoojin jirtay codkarnimada iyo aftahamada uu ku astaysnaa. Waxa ka mid ahaa erayadiisii caan baxay "Ma ihi caaddifi mana riyoonayo, waxa aan ahay nin madow oo jecel nabadda iyo caddaaladda, waan jecelahay dadkayga”. "Waxa aan aaminsanahay in diinta islaamku tahay diinta ugu fiican”. "Mareykanku waa in uu fahmaa Islaamka, waayo waa diinta kali ah ee tirtiraysa midab takoorka”. Dadka madowga ahi aad bay u jeclaayeen khudbadihiisa, dhiirrigelintiisa iyo weerihiisa dantooda iyo noloshooda joogtada ah ka hadla.

Falaar xanuun kulul oo lagu dhex tuuray meel dad caddaannimada derejo u haysta buu ahaa Malcom X. Koleybana lama rabin in qof sidan caddaalad uga hadla lagu arko dunida midabtakoorka iyo istakoorka. Hadalladiisa cadcadi halis badan in ay noloshiisa galinayaan dad badani waa ay tuhunsanaayeen. Nin u joojiya in uu xaqa ka aammuso ma uu ahayn. Waa kii lahaa "Haddii aanad daraaddeed u dhimanayn, erayga xornimo ka saar qaamuuskaaga”.

Caweyskii Bishii Febraayo 21-keedii Sannadkii 1965-kii waxa uu Malcom X ka jeedinayey khudbad meesha la yiraahdo Audubon Ballroom oo ku taalla Manhatan ee Magaalada New York. Saddex nin oo qoryo ku hubaysan baa isaga oo fagaaraha taagan xabbad ku furay, shan iyo toban xabbadood oo ay kula soo dhawaadeen bay ku shaandheeyeen halkaas oo intii aanu dhaawiciisu dhakhtarba gaarin uu ku geeriyooday. Sagaal iyo soddon jir isaga oo ah buu nolosha sidaas kaga hulleelay Alla ha u naxariistee Al Xaaj Al Malik Al shabbaas oo loo garan ogyahay Malcom X.

In kasta oo uu nolosha ka tagay, hab nololeedkiisii iyo casharradiisii waa kuwo dunida guud yaal. Buugaag door ah, aflaam iyo dokumentiriyo laga sameeyay noloshii Malcom X baa dunida nool oo aan la dhiman.

Taariikhda uu dunida muslimka iyo ta dadka madow u dhigay muddadii uu noolaa, muuqaallada hadalladiisii yaabkaa lahaa ee uu jeedin jiray iyo Alle ha u naxariistii hal-adaygnimadiisii waa tu dad badan baraysa ujeeddada nolosha, awoodaha qofka iyo siraha guusha.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan taariikhda halyeygan.

Qalinkii: Saddaam Xuseen Carab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip