FIIRSO: Dood kulul oo ku saabsan Arinta Qalbi dhagax oo dhexmartay Mahad Salaad & Goodax Barre

0
Thursday September 14, 2017 - 11:23:12 in Wararka by
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FIIRSO: Dood kulul oo ku saabsan Arinta Qalbi dhagax oo dhexmartay Mahad Salaad & Goodax Barre

    Barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Universal ayaa xalay waxaa marti ku ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood taageersan go'aanka Xukuumadda Soomaaliya halka qaar kale ay ka soo horjeedeen go'aanka iyo dadweyne kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Universal ayaa xalay waxaa marti ku ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood taageersan go'aanka Xukuumadda Soomaaliya halka qaar kale ay ka soo horjeedeen go'aanka iyo dadweyne kale oo su'aalo weydiinayay Xildhibaanada.
Xildhibaanada dood wadaaga marti ku ahaa ayaa waxaa ugu caansanaa Xildhibaan Mahad Salaad oo la ogyahay inuu si weyn u dhaliilsan yahay hanaanka Dowladda Farmaajo kana soo horjeeda qorshaha Itoobiya loogu gacan geliyay Qalbi dhagax iyo Xildhibaan Goodax Barre oo Xukuumadda ku taageersan go’aanka ay ka qaadatay Qalbi dhagax.

Mahad Salaad oo su’aalo dhowr ah la weydiiyay ayaa sheegay iney muhiim tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay iney qirato danbiga ay gashay,islamarkaana u sheegto shacabka inaan mar danbe qaladkaan oo kale u noqoneyn.

Sidoo kale,Xildhibaan Goodax Barre ayaa difaacay Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo carabka ku adkeeyay iney jiraan shaqsiyaad Dowladdii hore ka tirsan oo doonaya iney wax dumiyaan,islamarkaana lagu adeegnayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip