OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY'ADDA SHARDO:-Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO)

0
Wednesday September 13, 2017 - 09:54:07 in Featured by
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY'ADDA SHARDO:-Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO)

    OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO: SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 21 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO: SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 21 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradaha shaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada, iyo mashaariic kala duwan.


 

 



Ururuka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan sida:-

1.Electric installation ( Koronta xirid)

2.Fish vendor (Kalluun-dubis)

 

SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA  SIDA SOO SOCOTA:



Hadaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)

Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2-da xirfadood waxaa laga rabaa sharoodahaan soo socda:-

 

·Waa in uu yahay Soomaali

·Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir

·Waan in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood

·Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhamey sashada xirfada uu soo codsaday

·Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo

·Waa in uusan wax dambi ah ka galin bulshada

·Waa in uu layimadaa qof damiin ah

·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto

·Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta asaasiga ah

·Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir


FIIRO GAAR AH:


ØBarashada Korantada waxaa kaliya soo codsan kara RAGGA oo kaliya, halka Kallun-dubista oo ay soo codsan karaan Dumarka oo kaliya


Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyo SHAHAADO.


Qofkii daneynaayo fursadahaas waa in uu layimaado 4 xabo sawir teestaro ah iyo gal ama fayl.

Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xafiiska SHARDO ay ku taalo degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.


Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 13-ka Bish September 2017 ilaa 23-ka September 2017. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.

Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran

061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993

ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:

...............................................................................................................................................................

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip