Kheyre Geesi Gar Naqsi Yaqaan, Waase Haduu Helo Kuwa La Garrama
Marxabayntii badneed lagama dheehaneen galabta, waase geesi marba dadka dhinac u salaan qaadayay.
Mid kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa u soo orday dhinca Ra’isalwasaaraha oo ku yiri cod dheer ‘Kheyre Kheyre galabta inta miyaa timid mudane?’
Si fudud ayuu ra’isalwasaarihii ku yiri ‘Haa ee kaalay, in aad dabaalatayna waan dareemaya’’
Wiilka oo fariid ah ayaa yiri ‘Mudane xanta dhagaheena waa soo gaartay, balse qudhaada waxaa na dareensiisay in arinta la sheegayo ay wax ka jiraan oo waxa aan waynay dhaq-dhaqaaqaga iyo booqashadaadii, waxaa inoogu kaa war danbeesay ‘adoo amray in Kun Dhalinyaro ah la shaqaalaysiiyo’ ee bal waran’
Kheyre ‘Ku waramay adiga sidee wax kula yihiin’’.
M
Fariidkii ayaa yiri ‘’Mudane Waxa aad noqoteen qooyskii maydka la hor dhigay gurigooda xilli habeen iyaga oo hurdayo lagana waayay subixii qof bannaaka u soo baxo’’
Kheyre Inta Si fiican u qoslay waxa uuna yiri ‘’Shacabku dareenkooda waa mid sax ah, waana in ay nagula xisaabtamaan amaanada ay inoo dhiibteen.
Waxaanse kuu sheegi lahaa in aad iga gaarsiiso Bulshada aad la kulmayso in saddex arimood aysan hormar ku gaareen Soomaaliya.
1. Howl maalin walba la qabyeeyo, oo laga diro mas’uulkii hayay, kii lagu badalana intuu baran la cayriyo.
2. Wax wada qabad la’aan Soomaalida dhexdeeda ah.
3. Iyo in aan noqonno dad aan cashir ka baran wixii Noloshooda soo maray.
Kheyre ayaa ugu danbeyn hadalkii ku soo xiray ”amaanada sidii naloogu dhiibay ayaan u haynaynaa, ilaa umadda inta ay inoo garato, maalinkii la helo mas’uul kale oo in badalo waxa aan ugu wareejin doonna, iyada oo meel fiicn joogta una baahan in la sii wado, waxaa dan inoo wada ah hormar iyo in dalka iyo dadka y noqdaan kuwa caalamka la tilaabsado”.
Fariidkii ayaa iska ilmeeyay ilaa u gabay hadalkii oo muddo toban daqiiqo kadib ah ayuu yiri ‘Kuwa aan maanta u jeedin dareenkaaga iyo hankaaga ayaa qoslayo, balse anigu waxa aan la ilmeynaya hadalkaaga saameynta leh ee u jilicsan qaranka.
Kheyre Geesi Gar Naqsi Yaqaan, Waase Haduu Helo Kuwa La Garrama
Galabta Ra'isal-Wasaarre Kheyre iyo tiro kamid ah golihiisa Wasiirada oo laga dareemayo anfariirka guuxa ku yeerayo, oo beri ay maqli jireen balse maanta iyaga uu qoorta u suran yahay, ayaa tiro dad ah la shaah cabay galabta.