Mo Farah oo markii afaraad oo isku xigta ku guuleystey orodka Great North Run (Sawiro)

0
Monday September 11, 2017 - 10:17:08 in Wararka by
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo Farah oo markii afaraad oo isku xigta ku guuleystey orodka Great North Run (Sawiro)

    Mo Farah ayaa sameeyay markale taariikh kadib markii uuShalay ku guuleystey markiisii afaraad oo isku xigta orodka dheer ee Great North Run.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mo Farah ayaa sameeyay markale taariikh kadib markii uuShalay ku guuleystey markiisii afaraad oo isku xigta orodka dheer ee Great North Run.

Orodyahanka reer Britain balse asalkiisu uu yahay Soomaali ayaa ka dheereeyay orodyahan Jake Robertson ee ka soo jeeda dalka New Zealand waxana uu ku orday hal saac iyo lix il biriqsi.

Farah oo bishii aynu ka soo gudubnay loogaga guuleystey billada dahabka ee orodka 5,000 tartan lagu qabtay magaalada Zurich balse galay kaalinta labaad ayaa markale soo bandhigay astaanta uu caanka ku yahay ee Mobot kadib markii uu ka gudbay diilinta ugu dambeysa ee tartanka ka dhacay New Castle.

Hase yeeshee Robertson ayaa lix ilbiriqsi oo kaliya ka dambeeyay Mo Farah halka uu kaalinta 3aad galay orodyahanka Feyisa Lilesa ee dalka Ethiopia.

Mo Farah oo la hadlay saxaafada kadib markii uu soo dhamaaday tartanka ayaa sheegay in uu aad u daalay meel walbana ay xanuuneyso waxana la arkayay isagoo dhulka jiifsaday daal badana uu hayo.

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip