Degmada Waaberi oo ku guuleysatay Tartanka Kubadda cagta ee degmooyinka G/Banaadir

0
Friday September 08, 2017 - 23:56:45 in Wararka by
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Waaberi oo ku guuleysatay Tartanka Kubadda cagta ee degmooyinka G/Banaadir

    Degmada Waaberi ayaa caawa ku guuleystay Tartanka Kubadda cagta ee degmooyinka, kaddib markii ciyaartii Finalka ay uga badisay degmada Hodan 3-1.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Waaberi ayaa caawa ku guuleystay Tartanka Kubadda cagta ee degmooyinka, kaddib markii ciyaartii Finalka ay uga badisay degmada Hodan 3-1.

Ciyaartoyda degmada Waaberi ayaa qeybtii hore ee ciyaarta la soo baxay dar dar, waxaana ay labaatankii daqiiqo ee u horeysay ay dhaliyeen labo gool oo deg deg ahaa.

Degmada Hodan ayaa qeybtii hore heshay rigoore, inkastoo ay khasaariyeen, hase ahaatee calan-wadaha ayaa ku tilmaamay in goolhayaha degmada Waaberi uu qalad sameeyay, banaanka u soo baxay, waxaana mar kale loogu celiyay Rigoorada inay tuurtaan degmada Hodan, waana ay iska khasaariyeen markii labaad ee loogu celiyay.

Waaberi ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku hoggaamineysay 2-gool iyo waxba, waxaana laga saaray hal ciyaaryahan, oo la siiyay kaarka cas.

Qeybtii labaad ayaa Waaberi ay la timid goolkii saddexaad, waxaana uu ahaa gool niyad jabiyay ciyaartoyda iyo taageerayaasha Hodan.

Ciyaartoyda degmada Hodan oo xaalka ku xumaaday, waxaana dhowr jeer ay isku dayeen inay goolasha lagu leeyahay iska soo gudeen, balse 15-daqiiqo markii ay ciyaarta ka harsaneyd ayaa waxaa ay heleen hal gool.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku racaday, koobkiina ay ku qaadeen kooxda degmada Waaberi, oo markii 3aad Final u soo baxday, iyadoo labadii Final ee u dambeeyay koobka laga qaaday.

Ciyaartan ayaa aheyd tii u horeysay ee la qabto xilli habeen ah muddo 30 sano, waxaana garoonka Koonis Stadium lagu dhajiyay nalal waa weyn oo garoonka oo dhan ifinayay.

Ciyaarta Caawa ayaa waxaa Gobjoog ka ahaa masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir iyo deegaanada ka baxsan muqdisho. iyadoo abaal marin lacageed oo 50 malyan shilin soomaali ah la siiyey kooxdii kaalinta 1aad gashay iyo koob ,


 dhinaca kale abaalmarin kala sareysa la siiyey kaalimha 2 iyo 3aad ee dwgmooyinka hodan iyo kaaraan , sidoo kalena halkaa billado la guddoonsiyey dadkii sida aadka ah ugu dhex muuqaday tartanka kobka kubbada cagta ee dwgmooyinka g. banaadir , sidoo kalena tartamadii abaalmarintooda  la wada guddiinsiiyey ciyaaraha kala duwan  ee ciyaarah fudud ee tartanka degmooyinka  oo xalay ku soo gabagoobay garoonka banaadir idaadiom


Hoos Ka Daawo Sawiirada Ciyaarta

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip