Falanqeyn : Yaa Mudan Muwaadin soomaaliyeed.?

0
Monday September 04, 2017 - 12:21:16 in Maqaallo by
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeyn : Yaa Mudan Muwaadin soomaaliyeed.?

    Inta badan Madaxda Dawlada Faderaalka Somaliyeed ayaa waxaa ku badan kuwo sannooyin badan Qaxootinimo ku joogeen dalalka Reer Galbeedka una suurto-gashay inay helaan Aqoonsiga Dhalashadda iyo Muwaadinnimadda dalalka Qaxootiga ku joogeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan Madaxda Dawlada Faderaalka Somaliyeed ayaa waxaa ku badan kuwo sannooyin badan Qaxootinimo ku joogeen dalalka Reer Galbeedka una suurto-gashay inay helaan Aqoonsiga Dhalashadda iyo Muwaadinnimadda dalalka Qaxootiga ku joogeen.

waqtigan la joogo inta badan labada Gole Golaha shacabka iyo Golaha sare wasiirada Madaxda Taliyaasha ciidanka waxay badankooda yihiin Muwaadiniin haysta 2 Dhalasho (Dual Citizenship), somalinimadooda ?

kuwaasi oo ay adag tahay si loogu aamino Masiirka Ummadeed ee dalkeenna, waayo waxay yihiin Muwaadin ku milmay Dhaqan iyo Maamul dalal shisheeye. Mana Fahan sana wadani iyo shisheeye Farqiga u dhaxeeya.

Way ku yar tahay inay Dareemaan waxa la yiraah somalinimo. Shacab kuna waxay moodayaan Madax soomaaliyeed. oo dareensan somalinimada!

Haddii aan Falanqeyo qadiyadda beryahaan Saxaafada soomaalida aad u saameysay ee sarkaalkii ONLF C/karin Sh.Muuse Qalbidhagax ee la sheegay inay xukuumadda


Federalka somaliya u gacn-galisay Dowlada Itoobiya.

Waa arin khalada oo laga Galay muwaadin soomaaliyeed oo aminsen soomaalinimada.

Qof aaminsan somalinimo hadii Madaxda Dalku aaminsanen somalinimo sow maaha in shacabku Fahmaan gartaan meesha wax ka qaldan yihiin.

Qatarta iyo shakiga Siyaasiyiinta soomaaliyeed ee haysta Labada Dhalasho waxay khatar badan u keeni kara Qaranka shacabka soomaaliyeed, hadaan marka hore lagu xirin in dhalashada soomaalida kaliya uu sheegan karo.

Hadii uu doonayo in uu xel siyaasadeed ka qabanayo Dawlada Faderaalka. arinkan waa muhiim

Hadaan shuurad lagu xirin wuxuuna baylah ka dhigayaa Danaha Guud ee Qaranka Somalia ee xilligan u baahan Dib-u-dhiska dacalladda Wadanka. Waana tan keentay in si fudud caasimada soomaaliya oo ah astaanta muwaadiniinta soomaaliyeed.

in dowladda Soomaaliya ay gacanta u galisay dowladda Itoobiya C/ Xakiin Sheekh Muuse oo kamid ahaa jabhadda Waddaniga ah ee xoreynta gobolka Ogaden (ONLF).

Arinkan oo ah Taariikh Madow oo lagu Xasuusan doono Madaxweyne Maxamed Cabdulahi (Farmoojo)

Dad badan oo sheegta wax Garad soomaaliyeed ayaa ku doodaya in dowlada Ethiopia sidii caadada u aheyd ay khalkhal iyo Bur bur ku hayso dowladnimada Soomaaliya
ee Madaxweyne Farmaajo jogaamiyo. arinkaan wax Qiila ma noqon karo. Madaxda Dawlada Faderaalka

Waxaa Falanqeyn tahay ku soo Gaba Gabey nayaa arinka dhacay waa siyaasad xumada Dawlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo

waxaa Taa cadeyn u ah maxuu Madaxweyne Farmaajo uga aamun san yahay in uu shacabka la hadlo. Si ay uga Bogsoodaan Niyad jabiyo ku dhacay in muwaadin soomaaliyeed dadkiisa laga Masaafuriyo oo Cadaw loo dhiibo.

Qore Maxamed Caalim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip