ONLF MA JABHAD XAQ U DIRIRAA MISE USC OO KALE ?

0
Sunday September 03, 2017 - 23:36:42 in Maqaallo by
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ONLF MA JABHAD XAQ U DIRIRAA MISE USC OO KALE ?

    Jabhad waxaa lagu qeexaa dad Hubeysan, isku Jaal ah ooleh deegaan, isku Midab iyo isku dhaqan leh oo tirsanaya dulmi ay kala kulmeen maamul ay wada wadaagaan oo isku hal Ummad ah, sidaa waxaa isku waafaqsan Khubarada Caalamka ee Siyaasadda wax ka qor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabhad waxaa lagu qeexaa dad Hubeysan, isku Jaal ah ooleh deegaan, isku Midab iyo isku dhaqan leh oo tirsanaya dulmi ay kala kulmeen maamul ay wada wadaagaan oo isku hal Ummad ah, sidaa waxaa isku waafaqsan Khubarada Caalamka ee Siyaasadda wax ka qora.

Jabhaduhu waxa ay u qeybsamaan mid Sharci ah iyo mid Sharcidarro ah, midda Sharciga ah waa mid sideedaba ka diiwaangashan Dowladda ay Mucaaradka ku tahay, Waajibaadkeeda waxa ka mid ah in ay leedahay xaq uhadal, dalkana waxtar u leedahay oo had iyo jeerna diyaar u tahay wada hadal ay ku soo bandhigeyso Dhibaatadeeda haddii ay tahay cadaaaladdarro iyo haddii ay tahay tabasho ay ka qabto dalka dib u dhiskiisa iyo xitaa ka qayb galka Maamulka Siyaasadeed.

Tan aan Sharciga ahayn waa tan hubaysan oo doonaysa in aysan dhigin Hubka kuna waxyeeleyso Dalka iyo Dadka hadafkeeda siyaasadeedna maa qeexna, waxa ay iska rabtaa dagaal joogto ah waxay gaysataa Dil, Dhac, Kufsi, Barakac iyo burburinta Adeegyada Bulshada waxaynaxal moodaa in arintaas lagu gaarayo xaqiiqda, waana arrin guracan, waxaana arintaas oo dhan u sameyneysaa la coloobidda shaqsiyaaad ay siyaasad isku haystaan. Waxayna mar walba dantii guud u burburisaa mid gaar ahaaneed.

Jabhadaha sharciga ah.

Taariikhdu waxa ay sheegaysaa in jabhadihii Sharciga ahaa ee Dunida laga yaqaan ay Tusaale fiican u ahayd JabhaddiiANCee Koofur Afrika, jabhaddaas waxay dadkeedii u horseeday in ay si nabad ah u raadiso Xorriyadooda waxayna Aakhirkii ku guulaysatay iney dalka madax ka noqdaan oo ay weliba si nabad ah ku xukumaan Caddaankii tirada yaraa ee Gumaysan jirey. Waxaa kaloo Tusaale loosoo qaadan karaa JabhaddiiKhamaruj ee Cambodia ee Hanoisaldhigeedu ahaa, Jabhaddaas waxaa ku soo duulay Maraykan waxayna ku guulaysatay iney iska saaraan. Waxaa soo Sedaxeeya JabhaddiiAl-Jazaa’iree Aljeeriya ka kacday taasoo Faransiiska ku khasabtay inuu maalin cad ka cararo dalka Aljeeriya

jabhadaha sharci-darada ah.

Waxaa ka mid ah JabhaddiiBlack Septembar (Septembarttii Madoobeed) oo ka Aasaasantay Aasiyada Dhexe, waxaa hadaafkeedu ahaa iney si hoose u dilaan shaqsiyaadka Madaxda ah iyo Maalqabeenada caalamka, waxay in badan dil iyo dhac ka gaysteen wadamada Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaa kale oo jirteyCOSA DI NOSTRA (MAXAAN ANAGU NAHAY), MAAFIYADII TALYAANIGA (BRIGATO ROSSO) GUUTADA CAS, jabhadda Bluzario,ee Waqooyiga Africa ka jirtey,Dhammaan jabhadaasi waxay diideen wadahadal iyo nabad kuwada noolaasho.

Tusaalaha ugu fiican in aysan Jabhad hormar ogolayn waxaa kaaga filan Jabhadihii ka dilaacay Soomaaliya sida, SSDF, SNM, SPM,iyo USC.Fadlan sheekadan ila Akhri,USC,markii ay inta badan Gobolada Dhexe soo qabsatay ayaa Odayaashii Hawiye oo fadhigoodu ahaa Hotel Towfiiq waxa ay Jowhar u direen Jeneraal Maxamed Cabdi Allaha Unaxariistee si uu usoo qiimeeyo hadafka iyo hormarada USC.

Waxa uu soo arkay iyaga oo gubaya, burburinaya, bililiqeysanaya xarumihii Dowladda iyo Warshaddii Sokonta ee SNAI PIAZZA, waxa uu ku soo laabtay Magaaladda Muqdisho halkii laga sugayey in uu u garaabo USC oo uu dhinac istaago waxgaradkii Hawiyewaxa uu yiri.

"Hubka noosoo qaada si aan isaga celino Cadowga Umadda oo ah USC sababtoo ah wax dowladnimo ah sooma wadaan dadkaan soo arkay oo u tafa xeytay burburinta, duminta, iyo bililiqeysiga adeegyadii Bulshada” GabagabadiiONLF MA JABHAD XAQ U DIRIRAA MISE USC OO KALE?

W/D Cabdinaasir Xirsi Iidle

E-Mailnaasirx1@gmail.com

Tel00252615503978




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip