Hooyada Dhashay CR7 Oo Kala Dooratay PSG & Man United Kooxda Ay Jeceshahay Inuu Wiilkeeda Ku Biiro Hadiiba Uu Ka Tagayo Real Madrid

0
Tuesday December 01, 2015 - 10:15:00 in Sports News by
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyada Dhashay CR7 Oo Kala Dooratay PSG & Man United Kooxda Ay Jeceshahay Inuu Wiilkeeda Ku Biiro Hadiiba Uu Ka Tagayo Real Madrid

    Manchester United ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dib usoo celisay xiisahii ay u qabtay iney dib Old Trafford ugu soo celiso Cristiano Ronaldo inkastoo sidoo kalana Paris Saint Germain ay dhankeeda ka dooneyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dib usoo celisay xiisahii ay u qabtay iney dib Old Trafford ugu soo celiso Cristiano Ronaldo inkastoo sidoo kalana Paris Saint Germain ay dhankeeda ka dooneyso.

Hooyada dhashay Ronaldo (Dolores Aveiro) ayaa dooneysa in wiilkeeda uu dib ugu laabto Man United hadiiba uu ka tagayo kooxda Real Madrid xagaaga soo aadan.

Paris Saint Germain ayaa dhankeeda dooneysa CR7 waxeyna u balan qaadeysaa aduun dhan 250,000 kun Pound inuu isbuucii mushaar ahaan u qaadan doono iyadoo sidoo kale ku taameysa in Zlatan Ibrahimovic ay ka dirto kooxda.

Si kastaba Dolores Aveiro ayaa damacsan sheeko xiiso leh waxeyna dooneysaa in Ronaldo uu dib ugu laabto Manchester United sidoo kalana wiilka ay ayeeyada u tahay ee Cristiano Junior ay isna la dooneyso inuu wax ku barto halkaas.

MUM
Hamiga Dolores Aveiro ayaa ah in wiilka ay ayeeyada u tahay uu raaco wadadii wiilkeeda isla markaana uu kusoo barbaaro garoonka Old Trafford.

Si kastaba hamiga hooyada dhashay Ronaldo ayaa meesha ka saaraya in Paris Saint Germain ay hesho Ronaldo walow xidiga qudhiisa uusan wali ka dhamaan jaceylka uu u qabo kooxda ka dhisan magaalada Manchester.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip