Napoli Oo 25-sano Kadib Markii Ugu Horeysay Kali Ku Noqotay Hogaanka Serie A-da Kadib Guushii Ay Ka Gaartay Inter Milan

0
Tuesday December 01, 2015 - 10:08:01 in Sports News by
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Napoli Oo 25-sano Kadib Markii Ugu Horeysay Kali Ku Noqotay Hogaanka Serie A-da Kadib Guushii Ay Ka Gaartay Inter Milan

    Laba gool oo uu dhaliyay Gonzalo Higuain ayaa u sahlay Napoli iney guul ka gaarto 1-xidig oo Inter Milan ah kulan ka dhacay San Paolo xalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba gool oo uu dhaliyay Gonzalo Higuain ayaa u sahlay Napoli iney guul ka gaarto 1-xidig oo Inter Milan ah kulan ka dhacay San Paolo xalay.

Guushaan waxey Napoli ka saaciday iney noqoto kooxda ugu sareysa horyaalka talyaaniga iyadoo dhibci qura ka sareysa Inter Milan waxeyna markaan raadineysaa koobkeedii ugu horeeyay Serie A-da tan iyo 1990-kii markaas oo uu Maradona u qaaday horyaalka.

Higuain

Gonzalo Higuain ayaa hogaanka ugu dhiibay Napoli wax ka yar 2-daqiiqo ka hor inta uusan goolka labaad qeybta labaad ee ciyaarta shabaqa galin.

Tani waxey ka dhigan tahay in Napoli ay markii ugu horeysay si kalinimoah u qabato hogaanka Serie A-da mudo 25-sano ah.

Inter qeybtii labaad oo dhan waxey ku ciyaarayeen 10-xidig madama Yuto Nagatomo laga saaray ciyaarta.

Inter Milan shabaqooda lama soo taaban afartii kulan ee kulankaan ka horeysay balse Higuain oo ah hogaamiyaha gooldhalinta Serie A-da ayaa soo afjaray markii uu weerarkii ugu horeeyay ee kooxdiisa dhamestiray.

Adem Ljajic ayaa niyad soo galiyay Inter Milan daqiiqadii 67-aad markii uu dhaliyay gool soo celiyay hamigii ciyaarta ee kooxdiisa, balse kuma guuleysan wiilasha Mancini iney barbaro helaan inkastoo ay sameeyeen dadaal aad u fiican.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip