DEG-DEG: Evening Standard Oo Ogaatay Jawaabtii Ay Arsenal Ka Bixisay Dalabkii Ay Liverpool Kasoo Gudbisay Oxlade-Chamberlain.

0
Wednesday August 30, 2017 - 13:11:26 in Sports News by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Evening Standard Oo Ogaatay Jawaabtii Ay Arsenal Ka Bixisay Dalabkii Ay Liverpool Kasoo Gudbisay Oxlade-Chamberlain.

    Liverpool ayaa qaaday talaabadii ugu horeysay oo ay ku dooneyso Alex Oxlade-Chamberlain, balse dalabkii ugu horeeyay oo ay ka gudbiyeen waa lasoo diiday inkastoo xidiga qaranka England uu wali sugayo iney kooxda Reds Hormariso dalabkii laga soo diida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa qaaday talaabadii ugu horeysay oo ay ku dooneyso Alex Oxlade-Chamberlain, balse dalabkii ugu horeeyay oo ay ka gudbiyeen waa lasoo diiday inkastoo xidiga qaranka England uu wali sugayo iney kooxda Reds Hormariso dalabkii laga soo diiday.

Standard Sport ayaa fahansan in Reds ay dhigeeda Gunners miiska u saartay aduun dhan 30 Malyan oo Pound, waana qiimahii aad uga yar midkii ay Chelsea ku doontay xidigii hore Saint.

Blues ayaa kula heshiisay Arsenal aduun dhan 40 Malyan oo Pound, balse Oxlade Chamberlain ayaa doorbidaya inuu aado Anfield.

Sida warbixinada ay sheegayaan Chamberlain wuxuu garwaaqsaday inuusan sinaba boos uga heli karin Chelsea madama khadka dhexe iyo daafaca midig ay u heystaan xidigo uu si weyn u aaminsan yahay tababare Antonio Conte.

Oxlade-Chamberlain wuxuu doonayaa inuu sugo ilaa daqiiqada ugu dambeysa in Liverpool ay dalab hormarsan ka gudbiso inkastoo aan la ogeyn sida ay Jurgen Klopp iyo kooxdiisa ula falgali doonaan arinta xidigaan.

Ugu dambeyntiina Arsenal waxey diyaar u tahay iney gabi ahaanba iibiso Chamberlain madama uu iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip