Faallo: Balaayada Sh/hoose, intii Barriire ku baxday waa ay ka baaxad weyn tahay

0
Wednesday August 30, 2017 - 11:04:26 in Maqaallo by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Balaayada Sh/hoose, intii Barriire ku baxday waa ay ka baaxad weyn tahay

    Ugu horreyn waxa aan Eebbe uga baryayaa naxariistii janno inuu siiyo dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ku geeriyooday howlgalkii ay ciidamada ka sameeyeen Bariire ,runtii waa dhacdo aad u xanuun badan ,balse akhristoow ila eeg qoraalka hoose si aad u og

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horreyn waxa aan Eebbe uga baryayaa naxariistii janno inuu siiyo dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ku geeriyooday howlgalkii ay ciidamada ka sameeyeen Bariire ,runtii waa dhacdo aad u xanuun badan ,balse akhristoow ila eeg qoraalka hoose si aad u ogaato in dhibaatada ka jirta Sh/hoose in ay ka baaxad weyn tahay qasaarihii rayidka ka soo gaaray Barriire.

Gobolka Sh/hoose waa gobolka ugu kheyraadka badan dhammaan gobollada Soomaaliya dhanka wax soo saarka waxana uu taariikh weyn ku leeyahay khudradda noocyadeeda kala duwn oo uu muusku ugu horeeyo. Gobolkii sidaa ahaa maanta waa ka loogu baahi badan yahay dadkiisuna ay ugu liitaan guud ahaan qeybaha Soomaaliya ,waxana ugu wacan colaad dabadheeraatay oo horeysay inta badan deegaannada Gobolka.

Magaalada Merka waa xarunta gobolka ,maanta wax nolol ah oo ka jiraa ma jiraan .Magaalada yar ee intaa la’eg oo labada dhan ay ka kala xigaan bad iyo buur weyn oo bacaad ah dadka intii awooday waa ay ka haajireen. Magaalada gudahooda waxaa hub ku heysta afar xoog oo kala duwan. Labo waa maleeshiyaadka labada beel ee ay colaaddu u dhaxeyso ,mid waa AMISOM midna waa Shabaab .Hadaba qiyaas magaalo baaxadeedu intaa la’eg tahay oo ay ku kulansan yihiin xooggagaa hubeysan ee kala duwan marna is dilaya.


Ciidamada midowga Africa ee AMISOM ma jirto goob kaga daran Merka meelaha lagu eedeeyo in ay tacaddi ka geysteen ,waxaa horey ay u dileen dad rayid ah oo iskuwada qoys ah kadib qaraxyo loo geystay.
Ma jirto ilaa hadda cid si niyad ah isugu deyday in ay xalliso colaadda Sh/hoose .Dowladii hore kama ay qaban wax micno leh marka laga reebo in madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo saaxiibadii kula jiray dowladdii hore in ay maalin tageen degmada Merka oo ay ku soo dabaashaan xeebteeda.


Dowladda hadda jirta ee ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre waxa aad moodaa in ay is halmaansiinayaan oo wax ahmiyad aaney u laheyn wax ka qabashada colaadda gaamurtay ee Sh/hoose. Aamusnaantoodu waxa loo fasiran karaa in ay raali ka  yihiin sii socoshada dhibaatada halkaa ka taagan . 

Dowlad goboleedka Koofur Galbeed si weyn ayay ugu ceebeysan tahay wax ka qabasho la’aanta dhiillada ka taagan Sh/hoose ,xitaa ficil iska daa hadal saameyn leh oo wax dajinaya lagama hayo weli.   Marka aad la sheekeysto dadka ka yimaada magaalada Merka iyo deegaanada u dhow ayaad ogaaneysaa baaxadda dhibaatada ka jirta halkaasi iyo cabsida joogtada ah ee shacabku ku nool yihiin . Dilalka ,kufsiga waaba joogto.

Sarkaal caafimaad oo ka shaqeeya magaalada Merka ayaa waxa ay ilmihiisu u deggan yihiin Shalanbood , Merka iyo Shalanbood waa ay isu muuqdaan hadana sarkaalkaasi marka uu rabo inuu aado reerkiisa waa in uu Muqdisho yimaado oo gaari wareeg maraya uu raaca oo in ka badan 130 KM u maro si uu halkaasi u gaaro. Wadaddii weyneyd ee Afgooye ka baxeysay ee No 50 mareysay ,Ceel wareegow ilaa Shalanbood sanado wax shacab ah ma isticmaalin hadii ay isku dayaanna gawaarida ay la socdaan waa la gubayaa.

Shacabka Muqdisho ka baxaya ee aada Merka waxa ay hadda maraan wadada xeebta ee Jaziira marta ,Dhanaane ilaa iyo Jilib Merka waxaana halkaas ay bar koontrool u taallaa Shabaab oo baaritaan iyo hubin ku sameeya dadka socotada ah.
Siyaasiyiinta ,masuuliyiinta ku jira dowladda ,xildhibaanada iyo waxgaradka beelaha Habar Gidir iyo Biyo Maal waxa ay ku guul dareysteen sidii xal waara loogu heli lahaa xaalka murugsan ee Sh/hoose ,qolo walibana waxa ay la dhacsan yihiin aragtida reerkooda.
Xalku muxuu yahay? Si nabad iyo deganaan loogu abuuro Sh/hoose ,Dowladda Federaalka ah waa in ay la timaadaa qorshe kal iyo laab ah oo lagu abuurayo wadahadal laguna dhexdhexaadinayo colaadda taagan. 

Halkudhigga dowladda waa NOLOL iyo NABAD haddii taasi ay dhab ka tahay maanta meesha NABAD iyo NOLOL ugu baahi badan waa Sh/hoose.
Dowlad goboleedka Koofur Galbeed waa in ay qaataan masuuliyadda kaga aaddan nabad ku soo daabbaalidda gobolka ay mustaqbalka doonayaan in maamulkoodu uu ku tiirsanaado.

Hey’adaha Caalamiga iyo Saaxiibada Soomaaliya waa in ay dhaqaale ku bixiyaan sidii jawi is faham loogu dhex abuuri lahaa shacabka Sh/hoose oo la abuuraa guddi khibrad u leh dajinta xasaradaha noocan oo kale ah (Crisis Management Experts ) haddii kale inta colaadaasi taagan tahay wax kala soconayaa ma jiraan.

In shacabka loo furo waddooyinka lana damanad qaado amnigooda .Warbaahintu waa in ay diiradda saartaa soo gudbinta xogta dahsoon ee ka jirta deegaanada Sh/hoose .

w/Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip