Ronaldo oo ku guuleystay Xidiga ugu fiican Yurub iyo Isku Aadka Champions League oo la sameeyay

0
Friday August 25, 2017 - 10:32:07 in Sports News by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo ku guuleystay Xidiga ugu fiican Yurub iyo Isku Aadka Champions League oo la sameeyay

    Ciyaaryahanka reer Portugal iyo Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa markii 3aad ku guuleystay abaal marinta xidiga ugu fiican Yurub, kaddib markii uu kaga guuleystay Messi iyo Buffon oo kula tartamayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka reer Portugal iyo Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa markii 3aad ku guuleystay abaal marinta xidiga ugu fiican Yurub, kaddib markii uu kaga guuleystay Messi iyo Buffon oo kula tartamayay.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku garaacay xiddiga Barcelona Lionel Messi iyo goolhayaha Juventus Gianluigi Buffon, kaddib markii uu Real Madrid kula guuleystay La Liga iyo Champions League.

Ronaldo ayaa helay 482 dhibcood, iyadoo Messi (141) iyo Buffon (109), waxaana uu Ronaldo noqday xiddiga kaliya ee 3 jeer ku guuleystay Abaalmarinta Yurub.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2016/2017 u qaaday Kooxdiisa Real Madrid Horyaalka La Liga ee Spain iyo Koobka Horyaalada Qaaradda Yurub ee Champions League oo uu ciyaartii Finalka dhaliyay labo gool.

Dhinaca kale waxaa caawa la sameeyay isku aadka Wareega Group-yada ee Koobka Horyaalada Qaaradda Yurub ee Champions League, iyadoo ay isku aadeen kooxo adag.

Kooxda Real Madrid oo heysata Koobka ayaa waxay isku Group noqdeen Kooxaha Borussia Dortmund iyo Tottenham, waana mid ka mid ah Group-yada ugu adag.

Sidoo kale Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa isku Group noqday, iyagoo ku jira Group D, labada kooxood ayaa isku arkay Sema Finalkii hore ee Champions League.

Kooxda Chelsea oo sanadkii hore ka maqneyd Koobkan ayaa waxay isku Group noqdeen Kooxaha Atletico Madrid, Roma iyo Koox ka socota dalka Azerbaijan..

Hadaba halkan hoose ka akhriso isku aadka:-

Group A: Benfica (POR), Manchester United (ENG), Basel (SUI), CSKA Moskva (RUS)

Group B: Bayern München (GER), Paris Saint-Germain (FRA), Anderlecht (BEL), Celtic (SCO)

Group C: Chelsea (ENG), Atlético Madrid (ESP), Roma (ITA), Qarabağ (AZE)

Group D: Juventus (ITA), Barcelona (ESP), Olympiacos (GRE), Sporting CP (POR)

Group E: Spartak Moskva (RUS), Sevilla (ESP),Liverpool (ENG), Maribor (SVN)

Group F: Shakhtar Donetsk (UKR), Manchester City (ENG), Napoli (ITA), Feyenoord (NED)

Group G: Monaco (FRA), Porto (POR), Beşiktaş (TUR), RB Leipzig (GER)

Group H: Real Madrid (ESP, holders), Borussia Dortmund (GER), Tottenham Hotspur (ENG), APOEL (CYP)

 

By, C/casiis Golf

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip