Jose Mourinho Muxuu Ka Yiri In Diego Costa Uu Xanaaq Dartiis Garankii Tababarka Kusoo Tuuray

0
Monday November 30, 2015 - 11:19:38 in Sports News by
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Muxuu Ka Yiri In Diego Costa Uu Xanaaq Dartiis Garankii Tababarka Kusoo Tuuray

    Diego Costa ayaa caro darteed garankiisii tababarka kusoo tuuray tababare Jose Mourinho markii uu ogaaday inuusan boos uga banaaneen ciyaartii barbaraha kusoo dhamaatay ee ay Blues White Hart Lane kula soo ciyaartay Tottenham Hotspur waxeyna aheyd ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diego Costa ayaa caro darteed garankiisii tababarka kusoo tuuray tababare Jose Mourinho markii uu ogaaday inuusan boos uga banaaneen ciyaartii barbaraha kusoo dhamaatay ee ay Blues White Hart Lane kula soo ciyaartay Tottenham Hotspur waxeyna aheyd markii ugu horeysay oo xili ciyaareedkaan uu kursiga keydka galo.

Xidigaan 32-da Malyan Oo Pound ku fadhiya ayaan boos ka helin shaxda London Derby iyadoo Hazard uu ahaa weerarka beenta ah oo uu Mourinho usoo xushay kulankaan, balse dhamaadkii ciyaarta ayuu xidigaan garankiisa kusoo tuuray markii Jose uu adeegsaday badalkiisii sadexaad walow in cabaar ah uu sameynayay jimicsi yar isagoo rajeynayay inuu garoonka soo galo.

Costa 2

"Hadii uu doonayay inuu i dhaawaco, ma aheyn inuu igu soo tuuro garanka” Ayuu yiri Mourinho mar wax laga weydiiyay ficilka uu sameeyay Costa.

"Diego wuu mudnaa sababtoo ah wuxuu ahaa qofka ugu dambeeya ee kursiga keydka gaan galiyo, qof walba ayaana sidaas soo maray xagaagan”

"Terry, Ivanovic, Cahill, Fabregas, Pedro iyo Hazard, intaba wey arkeen kursiga keydka” ayuu yiri Jose.

"Qof walba kursiga wuu fariistay, Costa wuu mudnaa sababtoo ah waxaan garoonka ku hayay dhamaan kulamadaas, maanta waxaan ku fakarnay hanaankii ugu wanaagsanaa iney tan tahay, waan ku faraxsanahay go’aanka iy ciyaartoydaba”

Mourinho ayaa la weydiiyay hadii uu adeegsan doono Diego Costa kulanka soo aadan, "Kulanka soo aadan waxaa Stamford Bridge imaanaya Bournemouth, ma garan karo”

Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in mustaqbalka Costa oo markii hore ay kooxda qadyaan ka taagneed uu sii dhumayo isla markaana ay macquul tahay in la iska fasaxo gabi ahaantiisba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip