Ciyaaryahan Somaliyed Oo Ku Soo Wajahan Kooxda 1-aad ee Liverpool ,Waa Qad Dhexe Da`yar Ah
Taageerayaasha kooxda Liverpool ee Somalida ah ayaa dhawaan la filayaa in ay helaan war ay ku farxi doonaan oo ku aadan dhanka qadka dhexe .
Kaliya intaas kuma joogsaneyso farxadaas oo si gooni ah ayay Somalida u taabaneysaa arintaas
Abdi Sharif oo ah 18 Sano jir Somali ah balse dhalashada Ingiriiska haysta ayaa laga wadaa in loo soo dalacsiiyo kooxda heerka 1-aad ee Liverpool
Abdi Sharif oo haatan ku jira Naadiga Liverpool ee U 18 sano jirada ayaa leh qaab ciyaareed aad loogu maqsuudo oo u saamaxeysa in loo soo dalacsiiyo kooxda heerka 1-aad
Xiddigi hore ee liverbool Steven Gerrard oo ah tababare u ah Youth Academy-da Liverpool ayaa haatan u soo gudbiyay macalin Klopp magaca Abdi Shariif isaga oo waliba ku war giliyay in lagu aamini karo qadka dhexe kooxda 1-aad ee Liverpool sida batrta Youth Academy Liverpool laga soo xiganayo maanta.