Wasiirka Haweenka oo sheegtay in la meel marinayo sharciga Gudniinka fircooniga

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:47:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Haweenka oo sheegtay in la meel marinayo sharciga Gudniinka fircooniga

    Wasiiradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta furtay kulan ku saabsanaa la tashiga Hay'ada Culumaa'udiinka Soomaaliya ee arimaha Gudniinka fircooniga, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirada Diinta iyo Awqaafta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta furtay kulan ku saabsanaa la tashiga Hay'ada Culumaa'udiinka Soomaaliya ee arimaha Gudniinka fircooniga, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirada Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Caafimaadka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qarabka Culumaa'udiin, hay'adaha u ololeeya ka hortaga gudniinka sharci darada ah.
Wasiiradda ayaa ka sheekeysay dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga, iyadoo xustay in muddo la soo waday ka wacyi gelinta bulshada, marka la eego gudniinka aan sharciga ku habooneyn ee fircooniga loo yaqaan.

"Dowladu waxay diyaar u tahay in la soo afjaro la dagaalanka gudniinka fircooniga isla markaana sharci kama danbeys ah laga soo saaro”ayay tiri Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in shirkan wada tashiga ay yeesheen dowladda, culumaa’udiinka iyo qeybaha bulshada la isku raacay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo saaro sharci mamnuucaya gudniinka fircooniga.


"Ilaa khamiistas soo socota waxaan rajeyneynaa inay wasiiradu ansixiyaan Sharci mamnuucaya gudniinka aan islaamiga aheyn”ayay tiri Wasiiradda haweenka Sahro Cali Samatar

Sidoo kale Afhayeenka Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo hadalo kooban ka jeediiyay kulanka ayaa sheegay in Diiinta islaamka aaney ogoleyn gudniinka fircooniga ah.

"Cid kasta oo sameysa gudniinkaasi Islaamku wuxuu ku xukumi karaa diyo in laga qaado iyo waliba in la ciqaabo”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud

Waxaa uu ku tilmaamay dhaqanka Fircooniga ee Soomaalidu muddo soo waday caado aad u xun oo aan islaamkana waafaqsaneyn uu yahay.

Dhanka kale Madaxa Hay’adda SWDC Sahro Axmed Maxamed oo iyadana ka hadashay kulankan ayaa xustay in nasiib wanaag hada la heley Dowlad ay ka go’an tahay in la soo afjaro gudniinka maadaama wax badan la soo waday wacyi gelinta iyo ka hortaga gudniinka firrcooniga.

Ugu danbeyn Wasiiradda Haweenka ayaa soo gaba gabeysay kulanka wadatashiga waxayna tilmaamtay in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladdu u soo saari doono sharci mamnuucaya gudniinka aan islaamiga aheyn ee fircooniga loo yaqaan.


DSC02060DSC02064DSC02066DSC02074DSC02083DSC02085



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip