Nin kasoo horjeeday dowladda Turkiga oo xabsiga la dhigay

0
Sunday August 20, 2017 - 11:15:42 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin kasoo horjeeday dowladda Turkiga oo xabsiga la dhigay

    Dowladda Spain oo tixgelinaysa codsi uga yimid Turkiga ayaa xirtay qoraa haysta dhalashada Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Spain oo tixgelinaysa codsi uga yimid Turkiga ayaa xirtay qoraa haysta dhalashada Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.

Ninkan oo lagu magacaabo Dogan Akhanli ayaa si weyn wax uga qoray xaaladda xuquuqda aadanaha ee Turkiga, waxaana uu dhaliil badan u jeediyay madaxweyne Rajab Tayib Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa warqad xarig oo caalami ah u jartay Dogan Akhanli, walow aan la sheegin waxa ay ku eedeysay Xildhibaan Volker Beck oo ka tirsan xisbiga Green Party ee Jarmalka ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda ee dalkiisa in ninkaas aan loo gacan gelin Turkiga.

Waxa uu intaa ku daray in tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go’an tahay madaxweyne Erdogan inuu meel kasta kaga daba tago dadka dhaliilsan.

Xiriirka Turkiga iyo Jarmalka ayaa xumaa bilihii dambe, waxaana Jimcihii ay xukuumadda Berlin ku eedeysay Erdogan inuu faragelin ku hayo arimaha dalkaasi, ka dib markii uu ugu baaqay muwaadiniinta Jarmalka ee asal ahaan Turkiga ah in aanay u codeyn axsaabta waaweyn ee waddankaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip