WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA AGOOSTO 2017-KA

0
Sunday August 20, 2017 - 10:25:53 in Wararka by
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA AGOOSTO 2017-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAANTA KU WAJAHAN MASAR Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu waddaa in ay maanta u ambabaxaan Magaalada Qaahira ee Caasimaddda dalka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAANTA KU WAJAHAN MASAR Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu waddaa in ay maanta u ambabaxaan Magaalada Qaahira ee Caasimaddda dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa horay Casuumaad kaga helay dhigiisa dalka C/fitaax AlSiiSi.Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar aya lagu xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu Ma alinta Isniinta ah uu ka kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Qaahira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii la doortay Safaro badan ku bixiyay dalalka Caalamka.

Waxaa lagu waddaa in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlo dowladda Masar Arrimo ay ka mid yihiin dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

CALI OSOBLE OO DACWAD U GUDBINAYA WAKIILADA BEESHA CAALAMKA

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku sugan Magaaladda muqdisho kadib markii dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay uu ku sugnaa Magaaladda Jowhar.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Osoble u yimid Muqdisho sidii kulamo ula qaadan lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dowl adda Federaalka iyo in xil ka qaadistiisa ay aheyd sharci darro.

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaaladda Jowhar waxaa jirtay xiisad u dhaxeysa isaga iyo Xildhibaano ka Tirsan baarla manka Maamulkaas oo sheegay in ay xilka ka qaadeen.

Sidoo kale Osoble ayaa Qoraal ku qornaa afka English oo uu u qoray wakiilada beesha Caalam ka ayuu ku tilmaamay tallaabadii Baarlamaanka inay aheyd afgambi siyaasadeed oo ay ka dambeysay dowladda Federaalka, gaar ahaan Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale waxaa Magaaladda Muqdisho ku sugan Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka hirsh abeelle Shiikh Cusmaan kaasi oo casuumaad ka helay Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin mowqifka ay ka taagan tahay xil ka qaadistii Cali Cosoble..

DAD MIINO AY KU LAYSAY DEEGAANKA BARIIRE..

Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay miino ku qaraxday gaari dameer marayay meel u dhaw tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka ga1ari dameerka saarnaa ayaa la sheegay inay ka qaxayeen iska hor'imaadyo shalay ku dhexmaray Bariire ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa AMISOM iyo kuwo Mareykan ah, kuwaas oo howlgal milatari ka bilaabay deegaanada ay ku xooganyihiin AlShabaab ee gobolka Shab eellaha Hoose.

Sida dadka deegaanku ay BBCda u sheegeen dadka dhintay waxa ku jiray carruur.

Goor sii horraysay, ayaa dadka deegaanka waxa ay ku soo warrameen, in kolonyo milatariga Soomaal iya ah oo ay la socdaan ciidamo Mareykan ah oo ka ambabaxay saldhiga garoonka Balidoogle ay gaa reen tuulada Bariire oo ay horey gacanta ugu hayeen AlShabaab.

Sidoo kale kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa iyaguna gaaray isla tuulada Bariire iyagoo ka bax ay deegaanka lambar 50 ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkastoo meelaha qaar la maqlay qaraxyo, haddana ma jiraan wax war ah oo laga hayo khasa araha ka dhashay ka dhashay dullaankani.

BOOLISKA MALTA OO XIRAY MUWAADINIIN SOOMAALIYEED

Ciidamada Booliska Jasiirada Malta ayaa xiray labo nin oo Soomaali ah ka dib markii lagu eed eeyay in ay dambiyo kala duwan ay ka galeen dalkaasi,islamarkaana ay ciidamada Booliska ay ku guul eysteen in ay soo qabtaan.

Booliska waxa ay sheegeen in labadaan nin lagu eedeeyay in ay geysteen Fal xatooyo ah ,had dana ay ku socoto baaris.

Magacyadda labada Muwaadin ee Soomaaliyeed ee ay xireen Ciidamada Booliska Malta ayaa lagu kala Magacaabaa Shaban Aadan Jaamac oo 21 sano jir ah iyo Maxamed Xabiib Xaashi 22 sano jir ah. Labaddaan nin ayaa lagu eedeeyay in ay dhaceen alaab uu watay nin u dhashay dalka Ruu shka, islamarkaana ay Magaalada ku dhex carareen Ciidamada ayaana ugu dambeyntii ku guuleystay in ay soo qabtaan.

Kormeeri sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in raggaan sharciga la marsi in doono ,islamarkaana hadii dambi lagu waayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii deyn doono.

Jasiiradda Malta ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo qaarkood lagu eedeeyay in ay gey steen falal dil ah.

SPAIN OO XIRTAY NIN DHALIILSAN DOWLADDA TURKIGA

Dowladda Spain oo tixgelinaysa codsi uga yimid Turkiga ayaa xirtay qoraa haysta dhalashada Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.

Ninkan oo lagu magacaabo Dogan Akhanli ayaa si weyn wax uga qoray xaaladda xuquuqda aadanaha ee Turkiga, waxaana uu dhaliil badan u jeediyay madaxweyne Rajab Tayib Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa warqad xarig oo caalami ah u jartay Dogan Akhanli, walow aan la shee gin waxa ay ku eedeysay. Xildhibaan Volker Beck oo ka tirsan xisbiga Green Party ee Jarmalka ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda ee dalkiisa in ninkaas aan loo gacan gelin Turkiga.

Waxa uu intaa ku daray in tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go'an tahay madaxweyne Erd ogan inuu meel kasta kaga daba tago dadka dhaliilsan.

Xiriirka Turkiga iyo Jarmalka ayaa xumaa bilihii dambe, waxaana Jimcihii ay xukuumadda Berlin ku eedeysay Erdogan inuu faragelin ku hayo arimaha dalkaasi, ka dib markii uu ugu baaqay muwaadini inta Jarmalka ee asal ahaan Turkiga ah in aanay u codeyn axsaabta waaweyn ee waddankaasi.

Kumannaan qof oo diiddan cunsuriyadda oo isugu soo baxay Boston

Booliska ayaa kala dhexgalay dibed baxayaasha iska soo horjeeda

Kumannaan qof ayaa mudaharaad kala hortagay kooxo cunsuriyiin ah oo dibed bax ay ugu magac dareen "Xoriyadda Hadalka" ka dhigay magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

Kooxaha cunsuriyiinta oo tiradoodo ay koobneyd, ayaa waxaa buuq iyo canaan kala hortagay dad diiddan afkaartooda xagjirka ah, waxaana markii dambe goobta ka waday booliska.

Xiisad salka ku haysa cunsuriyadda ayaa ka taagan qeybo ka mid ah Maraykanka, ka dib dibed baxyadii dhiigu ku daatay ee maalmo ka hor ka dhacay magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.

Wargeyska Boston Herald ayaa sheegay in dibed baxan ka dhanka ah cunsuriyadda ay ka qeyb qaateen ku dhawaan 30,000 oo qof.

Weriye ka tirsan BBC oo tegay meesha uu mudaharaadka ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha cunsuriyiinta laga tiro batay, isla markaana la isugu geeyay meel kooban.

Rabshaddii ka dhacay Charlottesville ayaa ka dhalatay markii dad caddaan cunsuriyiin ah oo diiddan duminta taallo ay gacanta ula tageen dad kasoo horjeeda.

AQALKA SARE OO SOO FARA GELIYAY XIISADA HIRSHABEELLE IYO WASIIRADII JOWHAR TAGAY OO LOO YEERAY

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo fara gelinaya xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada maamulkaas ay xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Qaar ka mid ah Senatorada Aqalka Sare ayaa soo jeeday in ajandaha lagu soo daro xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, iyadoo Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka sare uu dalbaday in loo yeero Wafdigii Wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u aaday Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa xilligan kulan la leh Guddoonka Aqalka Sare iyo xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha.

Kulankan ayaa warbixin looga dhageysanayaan Wasiirada, wixii ay ku soo arkeen magaalada Jowhar, markii ay maalin ka hor tageen, shalayna dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran, ayaa la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan Aqalka sare oo la sheego in saameynta uu ku leeyahay siyaasada dalka iyo go’aan ka gaaristeeda ay aad u yar tahay, marka laga reebo sharciyo quseeya arrimaha federaalka.

Xubnaha Wasiirada ayaa wali wax war ah siin warbaahinta, iyadoo magaalada Jowhar kula kul may dhinacyada kala duwan ee xiisada ka dhex taagan tahay, waxaa ay sheegeen in wixii ay kala kulmaan ay madaxda dowladda u gudbinayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay war ka soo saarto xaalada siyaasadeed ee Hirsha beelle, iyadoo daraad Muqdisho uu soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre, kaddib markii loo yeeray, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dowladda

MARXUUM DR. MAXAMED JAAMAC SALAAD OO SHALAY LAGU AASAY GAALKACYO

Waxaa shalay dalka la keenay meydka marxuum Allaha u naxariistee Dr. Maxamed Jaamac Sal aad oo ka tirsanaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah, kaasoo dhowaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Milano ee dalka Talyaaniga oo daweyn loogu qaaday ka dib xanuuno soo waj ahay.

Meydka marxuumka oo shalay laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee Maga alada Muqdisho ayaa waxaa halkaas kaga hortagay, ma’suuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada Somalia, dhaqaatiir, siyaasiyiin iyo xubno kale oo fara badan.

Dhamaan xubnahan oo wejiyadooda ay ka muuqatay murugo iyo tiiraanyo ayaa waxay geerida marxuumka uga tacsiyadeeyeen ehelada marxuumka gaar ahaan walaalihiis Ruqiya Jaamac Salaad iyo C/llaahi Jaamac Salaad, iyagoo sidoo kale halkaas kula tukaday meydka marxuumka Salaada Jana asada, waxayna intaas ka dib u duceeyeen marxuumka oo ILAAHAY ay uga baryeen inuu janadii ka waraabiyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xubnaha meydka marxuumka kaga hortegay garoonka Aadan cadde waxaa ka mid ahaa Wasi irka Caafimaadka Somalia, Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur, Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle, Senator Prof. C/risaaq Jurille, Senator Muuse Suudi Yalaxow, Senator Shukri Aadan Camey, Senator Faadumo Xasan, Senator Saciido Karwal, Agaasime kuxigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Somalia Shiine Xaaji Bashiir, Marwo Xaawo oo ah Marwadii madaxweynihii geeriyooday ee Somalia marxuum C/llaahi Yuusuf, agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka C/llaahi Xaashi, Guddoom iyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah gud doomiyaha Jaamacadda Banaadir, danjiraha Somalia u fadhiya Algeria Sh. C/wahaab Macalin Mux umed, Siyaasiyiin uu ka mid ahaa Jen. Maxamed Saciid Xirsi (Morgan), Prof. Sabtiye, Dr. Axmed Xar eed Maxamed Marwo Safiya C/llaahi, iyo xubno kale, iyadoo meydka marxuumka loo duuliyey maga alada Gaalkacyo halkaasoo lagu aasayo isla shalay.

Senator/Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo aan wax ka weydiinay Taariikhda marxuumka ayaa sheegay in Dr. Maxamed Jaamac Salaad uu ka mid ahaa dhaqaatiirtii wax ku soo baratay, kana soo shaqeeyey dalka Talyaaniga, isagoo markii uu dalka ku soo laabtay Macalin ka noqday Jaamacadii ho re ee Ummadda, wuxuuna xusay inuu ku taqasusay cudurada iyo qaliinka Neerfaha (NeuroSurgery) oo uu tilmaamay inuu ahaa dhaqtarkii ugu horreeyey ee taqasuskaas soo qaatay Soomaaliya.

"Inaa lilaahi wainaa ileyhi Raajicuun geerida Dr. Max’ed Jaamac Salaad waxay nagu noqotay mid naxdin leh Marxuumka wuxuu ka mid ahaa dhaqaatiirta aan dalka ka bixin xiliyadii dagaalada soke eye, isagoo Isbitaal weyn iyo jaamacad ka furay magaalada Gaalkacyo, wuxuu ahaa nin daweyntiisa looga iman jiray meelo fog fog, naxariis badan, dabeecad wanaagsan, shacabkiisana u soo qabtay wax yaabo aan la iloobi Karin, haddii aan nahay bahda dhaqaatiirta Soomaaliyeed geerida waan ka tacsi yadeynaynaa ILAAHAY janadii ha ka waraabiyo eheladii iyo umadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ha ka siiyo aamiin” ayuu yiri Prof. Dufle.

MADAXWEYNAHA DALKA NIGERIA BUHARI OO DALKIISA DIB UGU LAABTAY

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa dib ugu laabtay magaalada Abuja kadib markii muddo saddex bilood ah lagu soo dawaynayay magaalada London.

Wadooyiinka magaalada ayaa waxa isugu soo baxay taageerayaasha madaxwayne Buhari oo ciyaaraya islamarkana heesaya taasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin soo laaba shada madaxawayanha. Waxaa mudooyiinkii ugu danbeeyay dalka Nigeria ka jiray dibad baxyo loo ga soo horjeeday ka maqnaashiyaha madaxwaynaha ee dalka .

Dibad baxayaasha ayaa qaarkood ku baaqayay in uu xilka iska casilo ,halka qaar kale ay ku baa qayeen in uu dalka dib ugu soo laabmo.

Madaxweyne Buhari ayaa xafiiska la wareegay bishii May 2015 kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas hase ahaatee waxaa maamulka dalkaasi sii hayay saddexdii bilood ee ugu dambeysay ku xigeenkiisa Osinbajo.

Tan iyo bishii June 2016 waxaa soo baxayay warar sheegaya in caafimaadka Buhari uusan wanaagsanayn waxaana uu markaas u tegey magaalada London baaritaan caafimaad,

KULANKA GOLAYAASHA SHARCIDAJINTA EE DALKA OO MUQDISHO KA FURMAY.

Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay kulan ay ka qeybgalayaan Golayaasha sharcidajinta ee heer Federaal iyo heer Maamul goboleed, kulanka oo socon doono Mudo Sadax Maa lmood ayaa looga hadlayaa wada shaqayn iyo iskaashi dhaxmara Golayaasha Sharcidajinta ee dalka.

kulanka oo ah kii ugu horeyay oo noociisa ah ayaa looga hadli doonaa qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay wadashaqayn dhab ah oo dhaxmarta dhamaan Golayaasha sharcidajinta iyo sidii loo hormarin lahaa hanaanka sharcidajineed ee dalka.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mne Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta kulamada noocaan oo kale ah muhiimada ay leeyihiin wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la joogtayo iska warqabka iyo iskaashiga hay’adaha sharci dajinta dalka.

Dhinaca kale shirka oo socondoona ilaa 21bisha ayaa la filayaa in laga soo saaro gunaanadka kulanka go’aamo la xariira wadashaqaynta iyo iskaashi dhab ah oo dhax mara dhamaan hay’adaha Sharcidajinta ee dalka.

CALI KHALIIF GALEYR”WAA IN SI DEG DEG AH LOO JOOJIYAA DAGAALKA IYO XIISADA KA TAAGAN BUUHOODLE”

Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha maamulka Isku magacaabay Khaatuma ayaa canbaareeyay dagaalkii xoogganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer kaas oo sab abay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray Shacab ku sugnaa Bartamaha Magaalada Buuho odle.

Isagoo ku sugnaa goob laga maqlaayay rasaas Xooggan ayuu sheegay Cali Khaliif Galeyr in waxa Magaalada socda ay yihiin dadkii Khaatumo oo la isku diray colaadna aan kala geynin.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Khaatuma aysan dani ugu jirin Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ay u kala janjeeraan dhinacyada dagaalamaya iyo siyaasiin ka soo jeeda deegaanada maamulka isku magacaabay Khaatuma.

Cali Khaliif Galeyr ayaa dhawaan heshiis la soo saxiixday Maamulka Soomaaliland kaas oo ku saabsanaa in labada maamul la mideeyo.

WASIIRKII HORE EE ARRIMAHA DIBADA SOMALILAND OO MAGAALADDA MUQDISHO KU SUGAN

Magaalada Muqdisho waxaa safar aan lasii shaacinin ku jooga Wasiirkii hore Ee Wasaarada ari maha dibada maamulka Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar

Dr. Maxamed Cabdilaahi ayaa warar hor dhac ah ee la ga helayo safarkiisu sheegayaan inuu kulamo la qaatay Raisu lwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, isla markaana ay kawada hadleen arrimaha Somaliland iyo Dow ladda Soomaliya.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Dr. Maxamed Cabdilaahi uu wali ku sugan yahay Muqd isho,islamarkaana aan waxa hadal laga helin qodobada ugu muhiimsan uu kala hadlay madaxda Dowladda Soomaliya.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ka qayb galay shirar kadhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo lagaga had layey amaanka wadanka soomaaliya.

Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore u soo noqday wasiirka arimaha dibada somaliland, ay aa haatana ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Xukuumada somaliland ayaa dhawaan shirkii golaha wasiirada ku go’aamisay inaanay muwa adiniintu u safri Karindalka soomaaliya, bals waxa laga war dhawrayaa talaabada ay ka qaadi doono Dr.Maxamed Cabdilaahi oo ahmasuul ka tirsan xisbiga Kulmiye.

AKHRISO:CABASHO KA TIMID XUJEYDA SOOMALIDA EE SANADKAAN

Xujayda Soomaalida ah ee ka Xajinaysa wadanka gudihiisa ayaa eedeen u jeedisay dadka ka xeeya xujaydda oo ay sheegeen in ay lacag badan ka qaadeen.

Xujaydan Soomaalida ayaa sheegay lacagta laga qaado iyo adeega iyo goobaha la geeyaa in aysan isku dhigmin, waxaana ay tilmaameen hoteeladda ugu jaban aan wanaagsaneyn la dajiiyo taas oo ay barbar dhigeen Xujayda kale oo la dajiyo hotelada ugu wanaagsan oo waliba masaajidka Nabiga lagu dhaweeyo.

Mid kamid ah wariyayaasha kasoo xajiyay dalka Dibad iisa ayaa isbarbar dhig ku sameeyey xujayda Soomaali ka tim id iyo kuwo ka yimid Yurub oo qiimo jaban lagu soo qaado me elo aad u heer sareeyana la geeyo, halka Xujayda wadanka gudihiisa ka timaada lacag badan iyo adeeg aan u qalmin la iskugu daro.

Dhina kale qurbo joogta soomaaldia ee xajka timid ay aa iyagu amaanay sida loo qaabilay iyo adeega wacan ee loo fidiyey, waxeyna sheegeen in ay u mahad celinayaa dadkii soo kaxeeyey, waxaanu yidhi"Anagu wax aanu deganahay masaajidkii Nabiga agtiisa, salaad walba oo ka mida ah waxaanu ku tukanaa masa ajidka, hoteelada aan ku jirnaa waa kuwo raaco leh.”

Sheikh Maxamed Haybe oo ka mid ah xujayda soomaaldia ee sanadkan soo xajay ayaa walaac xoogan ka muujiyey soomaalida xujayda ah ee ka taktay wadanka gudihiisa iyo nolosha adag iyo adeeg la’aanta ay wajahayaan marka Xajka gudanayaan.

Dadka xujayda soomaalida ah ayaa laga qaadaa lacag faro badan oo ku dhaw afar kun oo dol lar, halka wadamadda jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti qofka xajka tagaya ay kaga baxdo uun kun iyo lix boqol oo doolar, waxaana soomaalida u sii dheer goobaha ugu qiimaha hooseeyo oo la dajiyo iyo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wakhtiyada ay cibaadaysanayaan.

WAR DEG DEG:CIIDAMADA AMAANKA OO QABTAY GAARI QARAX LOOGU SHAKIYAY

Sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya Gaari loo maley nayo in ay saaran yihiin walxaha qarxa ayaa yaalla Iridda Jaamacadda Umadda,dhanka Hotelka Naasa hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho.

Gaariga la qabtay ayaa noociisa lagu sheegay Spacia,waxaana wadooyinka soo gala Hotelka Naasahablood 2 ee Magaaladda Muqdisho xirey Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya,waxaana loo diiday in shacabka isticmaalaan.

Sidoo kale waxaa loo yeeray Ciidamada Miino baarista Dowlada Soomaliya si ay arinta u xaqi ijiyaan.

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sameynayay ho wlgalo ay ku qabanayeen gawaarida lagu soo xiro waxyabaha qarxa.

DOWLADDA CIRAAQ OO DAACISH HORDHIGTAY INEY QAATAAN LABO ARRIN MIDKOOD

Ciidamada Ciraaq ayaa waxay bilaabeen hawlgal Millatari kaasi oo dib ugu soo ceshanayaan magaalada Tal Afar, taasi oo ah magaalo weyn oo ay gacanta ku hayaan ururka Daacish.

Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Haider alAbadi oo hadal ka jeediyay Telefishinka ayaa waxaa sheeg ay in uu bilowday hawlgalka,isaga oo tilmaamay in kooxaha hubeysan ee ku sugan magaalada ay heystaan labo qiyaar oo ah in ay isa soo dhiibaan iyo in ay dhintaan.

Ciidamada Ciraaq ayaa hadda waxay beegsanayaan magaalada Tal Afar,ka dib markii ay u suur to gashay in ay xoreeyaan magaalada Mosul.

Magaalada Tal Afar oo inta badan dadka degan ay yihiin Shiico ayaa waxay soo gashay gacan ta ururka Daacish sanadkii 2014 kii.

Magaalada ayaa waxay ku taallaa wadada isku xirta Mosul iyo xadka Siiriya,taasi oo Daacish u aheyd qad muhiim u ah dhanka gurmadka.

Hogaamiye ka tirsan ciidamada Ciraaq ayaa wax aa uu sheegay in magaalada ay ku suganyihiin ciidamo dhan 1500-2000 oo Daacish ah.

Waxaa la aaminsanyahay in magaalada ay ku har een dad yar oo shacab ah, ka dib markii ay is kaga baxe en 49 kun oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

DAAHIR CIIRRO "GAAS MASALAXADDIISA GAARKA AH AYUU LA CIYAARAYAA”

Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse Ciirro oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland aanu xaq u lahayn inuu ka hadlo masiirka gu ud ee umadda Soomaaliyeed iyo inuu farogishto arrimaha diba dda.

Daahir ayaa sheegay in hadalkii dhowaan kasoo yeeray madax weyne Gaas ee taageerista Sacuudiga iyo Imaaraadka, ay tahay qalad siyaas adeed uu galay, wuxuuna sheegay in la yaab ay ku noqotay markii ay maqleen.

Waxa uu tilmaamay in howlaha arrimaha dibadda ah ay shaqo ku leedahay dowladda Federaalka.

"Hadalkii Gaas ma oranayo waa xalaal, Soomaaliya waa Soomaaliya..walow dowladda dhexe aanay cago buuran ku taagneyn, hadana waxaa ceeb ah waxbadan oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed loo ga bartay ayuu C/weli Gaas ku kacay, iftiinka mugdiga ayeey ka jecelyihiin Soomaalida, wadada Gaas uu qaaddey ma ahan mid nagu cusub, balse wuxuu u muuqanayaa mid maslaxaddiisa gaarka ah ciya araya”

Ciirro ayaa dhanka kale wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday iney la socoto heshiisyada maamul goboleedyada la galayaan dalalka shisheeye.

XILDHIBAAN HIRSHABELLE AH OO SHEEGAY IN XIL KA QAADISTII COSOBLE KADIB AY QABTEEN SHAQOOYIN BADAN

Xildhibaan Mukhtaar Xasan oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabe lle ayaa sheegay in isbedal shaqo ay sameeyeen wixii ka dambeeyey xil ka qaadistii Cosoble.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News, in baarlamaanka uu yeeshay kulamo aad u xasaasi ah, kana duwan kuwii hore.

Mukhtaar ayaa sheegay in shaqada hadda ay qabteen ay ka dhigan tahay mid ka xoog badan mudadii uu baarlamaankaasi shaqeynayey.

Dhanka kale, waxa uu sheegay xildhibaan Mukhtaar in hadda ay socoto qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Hirshabelle, islamarkaana 30 cisho oo kaliya ay haystaan guddigan.

Waxa uu xildhibaanka Rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada madaxweynaha Horshabelle ay ku dhacdo waqtigii loogu talogalay.

DAD HAL QOYS U BADNAA OO KU DHINTAY QARAX MIINO GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 7 ruux oo u badnaa dadka soo jeeday hal Qoys ku dhinteen qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen.

Dadka dhintay oo ay ku jiraan carruur iyo dad da’ ah ayaa geeriyooday kaddib ay miino la qarax day gaari ay la socdeen dulleedka deegaanka Bariire xili ay ka baxsanayeen dagaal culus oo halkaa ku dhaxmaray ciidamo isbaheysanaya iyo Alshabaab.

Deegaanka Bariire oo ah tuulo yar oo ay degen yihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd xoogagga ururka Alshabaab, oo halkaasi ku lahaa laba maxka madood oo ay dacwadaha ku qaadaan.

Dadka ka baxsaday dagaalka Bariire ayaa la sheegay in ay u barakaceen deegaanka Toora-Tooroow oo ka mid ah fariisimaha ururka Alshabaab ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka rayidka ah ayaa khasaaraha ugu badan kala kulmay dagaalada dhaxmara dhinacyada siyaasada isaga soo horjeeda, waxaana muuqata in miinooyinka lagu Aaso jidadka qeyb ka yihiin dhibaatada ugu weyn oo ay bulshadu kala kulmaan dagaallada.

BOGGA CAYAARAHA

WARBIXIN: UEFA OO FAAH FAAHIN BUUXDA KA BIXISAY XOGTA SADDEXDA CIYAARTOY EE ISKUGU SOO HADHAY ABAAL MARINTA XIDIGA YURUB UGU FIICAN, FURSADA AY HAYSTAAN BUFFON, MESSI & RONALDO IYO… Q/2aad

XOGTA XILI CIYAAREEDKII 2016/17 EE LIONEL MESSI:

Koobka: Copa del Rey

Xogta Kulamadii Messi ee Kulamadii Horyaalka La Liga

Kulamadii La Liga Ee Uu Saftay: 34 kulan

Goolashii Uu La Liga Ka Dhaliyay : 37 gool

Gool Caawintii La Liga : 9

Xogta Messi Ee Kulamadii UEFA Champions League

Kulamadii Uu Saftay : 9 Kulan

Goolashii Uu Dhaliyay : 11 Gool

Gool Caawintii uu Sameeyay : 2 Gool caawin

Sabbata Uu Lionel Messi Abaal Marintan Ugu Guulaysan Karo Oo Kooban:

Waxay ahayd xili ciyaareed kale oo xusuus mudan oo uu soo qaatay xidiga ree Argentina wuxuuna soo noqday xidigii horyaalada Yurub ugu waa wayn oo dhan goolasha ugu badan ka soo dhaliyay isaga oo ku soo guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub iyo waliba abaal marinta gool dhalinta La Liga ee Pichichi Trophy oo dhawaan la gudoon siin doono. Waxa uu Barcelona ka soo caawiyay in ay ku guulaysato Copa Del Rey xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah.

Caadada gool dhalinta ee Lionel Messi ee tartamada La Liga iyo Champions Leaque ayuu halk eeda ka sii watay isaga oo kooxaha Manchester City iyo Celtic min saddexley goolal ah ka dhaliyay. Laakiin waxaa xili ciyaareedkii dhamaaday xidiga ree Argentina inta ugu badan loo tixgalinayay kubbad sameeyaha ugu fiicnaa. Waxaana jiray waqtiyo khaas ah oo uu soo maray.

Waqtiyadii Ugu Fiicnaa Ee Uu Lionel Messi Soo Qaatay Xili Ciyaareedkii 2016/17

1) LABADII GOOL EE SANTIAGO BERNABEU EE UU REAL MADRID KU QALBI JABIYAY:

Sawirka uu Lionel Messi garoonka Santiago Bernabéu uu ku soo bandhigayo maaliyadiisa iyo lamb arkiisa ayaa wali ah xusuus muujinaysa waqtigii ugu fiicnaa ee uu Lionel Messi soo qaatay xili ciyaar eedkii hore. Xamaasada horyaalka La Liga ayaa maraysay meel aan la qiyaasi karin waxayna Real Madrid oo ahayd hogaamiyaasha La Liga soo dhawaysay Barcelona.

Lionel Messi ayaa gookiisii hore ku kala dhantaalay difaaca Real Madrid gaar ahaan Dani Car vajal, waxayna Barcelona u muuqatay mid guul muhiim ah gaadhaysa laakiin Los Blancos ayaa ka soo kabsatay iyada oo James Rodriguez uu ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah laakiin waxaa la soo gaa dhay waqtiga taariikhiga ah ee uu Lionel Messi indhaha aduunka ku xaday isaga oo difaaca Madrid iyo goolhaye Keylor Navas daba mariyay goolkii saddexaad ee ay Barcleona guusha ku gaadhay wuxuu na ahaa goolkiisii 500 aad ee waayihiisa Barca.

2) Saddexleydii Uu Manchester City Kaga dhaliyay Champions Leaque

Kulamadii saddexaad ee heerkii Groupyada Chamions Leaque ayuu Lionel Messi kooxda Guardiola ee Manchester City uu ka dhaliyay saddexley goolal ah waxayna ahayd saddexleydii laabad ee uu dhaliyay isaga oo daqiiqadii 17 aad Claudio Bravo oo ay isku koox soo noqdeen dhulka dhigay wxuuuna sii raacsaday laba gool oo kale si uu Man City xaalad xun ugu abuuro.

3) Bandhigii Uu Ka Sameeyay Kulankii Paris Saint-Germain Ee Camp Nou.

Sergio Roberto iyo Neymar Jr ayaa indha caalamka ku xaday wixii ay ka sameeyeen Camp Nou kulan kii lugtii labaad ee Champions Leaque ee ay Barcelona kaga soo kabsatay guuldaradii 4-0 ahayd ee Paris ku soo gaadhay. Laakiin Lionel Messi ayaa ahaa sidoo kale ahaa awooda xoogan ee gadaal ka soo riixaysay Barcelona.

Daqiiqadii 50 aad waxa uu Messi si degan ku dhaliyay rekoodhe Barcelona loo dhigay isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0 wuxuuna dhamaadkii ciyaarta xidhay caalamada kabtanimada kooxdiisa si uu hogaamiye ugu noqdo taariikhdii Camp Nou ka dhacday, wuxuuna ka mid ahaa xidigihii Barcelona ee kulankaas ugu bandhiga fiicnaa isla markaana taariikhda lama ilaawaanka ah sameeyay.

SABABTA UU LIONEL MESSI ABAAL MARINTAN UGU QALMO IYO FURSADA UU HAYSTO:

Lionel Messi ayaan loo tilmaamayn sida loogu guulaysato abaal marin shaqsi ah, wuxuuna haystaa abaal marino badan laakiin waxa uu wali haystaa fursada uu mid kale ugu sii darsan karo. Waxa uu so qaaday xili ciyaareed shaqsi ahaan cajiib ah u ah balse aan koox ahaan u fiicnayn. Haddii ay tahay in abaal marinta micnaheed la raaco waxa uu noqon karaa xidiga ugu cad cad ee xidiga Yur ub ku guulaysan kara, laakiin haddii laysla akhriyo xogta shaqsiyadeed iyo kooxdeed waxa uu noqon karaa mid aan abaal marintan ku guulaysan karin.

Waxa uu soo dhaliyay 9 gool in ka badan ciyaartoyga horyaalka La Liga ugu soo goolasha dha waa, waxa uu soo hantay abaal marinaah gool dhalinta Yurub iyo La Liga wuxuuna Barcleona ka soo caawiyay Copa Del Rey, laakiin dadka codka bixinaya ayay ku xidhan tahay haddii ay xogtani u dama anad qaadi karto in Messi uu markii saddexaad ku guulaysan karo abaal marinta xidiga Yurub ugu fiic an.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkii hore qaatay masuuliyad ka badan intii abid u soo qabtay Bar celona wuxuuna waqti badan oo horyaalka La Liga ah uu soo ahaa mishiinka riixayay kooxdii Luis Enr ique ee xaaladaha kala duwan soo wajahday.

XOGTA XILI CIYAAREEDKII 2016/17 EE CRISTIANO RONALDO:

KOOBABKA: UEFA CHAMPIONS LEAGUE, LA LIGA, FIFA CLUB WORLD CUP (UEFA SUPER CUP*)

Xogta Kulamadii Ronaldo ee Kulamadii Horyaalka La Liga

Kulamadii La Liga Ee Uu Saftay: 29 kulan

Goolashii Uu La Liga Ka Dhaliyay : 25 gool

Gool Caawintii La Liga : 6

Xogta Messi Ee Kulamadii UEFA Champions League

Kulamadii Uu Saftay : 13 Kulan

Goolashii Uu Dhaliyay : 12 Gool

Gool Caawintii uu Sameeyay : 6 Gool caawin

La soco qeybta kale ee Ronaldo..Berri

DIYAARINTII: Mahamoud Batalaale

CIYAARYAHAN SOMALIYED OO KU SOO WAJAHAN KOOXDA LIVERPOOL ,WAA QAD DHEXE WALIBA DA`YAR AH .

Taageerayaasha Liverpool ee Somalida ah ayaa dhawaan la filayaa in ay helaan war ay ku maqsuudi doonaan oo ku aadan dhanka qadka dhexe .

Kaliya intaas kuma joogsaneyso farxadaas oo si gooni ah ayay Somalida u taabaneysaa arintaas

Abdi Sharif oo ah 18 Sano jir Somali ah balse dhalashada Ingiriiska haysta ayaa laga wadaa in loo soo dalacsiiyo kooxda heerka 1-aad ee Liverpool

Abdi Sharif oo haatan ku jira kooxda Liverpool ee U 18 sano jirada ayaa leh qaab ciyaareed aad loogu maqsuudo oo u saamaxeysa in loo soo dalacsiiyo kooxda heerka 1-aad

Steven Gerrard oo ah macalinka Youth Academy-da Liverpool ayaa haatan u soo gudbiyay macalin Klopp magaca Abdi Shariif isaga oo waliba ku war giliyay in lagu aamini karo qadka dhexe kooxda 1-aad ee Liverpool sida batrta Youth Academy Liverpool laga soo xiganayo .

NATIIJOOYINKA KULAMADA ENGLAND - PREMIER LEAGUE

Swansea City 0 - 4 Man United-------AFC Bournemouth 0 - 2 Watford

Burnley 0 - 1 West Bromwich Albion------

Leicester City 2 - 0 Brighton & Hove Albion…

Liverpool 1 - 0 Crystal Palace……..------Southampton 3 - 2 West Ham

Stoke City 1 - 0 Arsenal..

NATIIJOOYINKA KULAMADA ITALY - SERIE A

Juventus 3 - 0 Cagliari------Hellas Verona 1 - 3 SSC Napoli

NATIIJOOYINKA KULAMADA SPAIN - LALIGA SANTANDER

Girona 2 - 2 Atletico Madrid-- Sevilla 1 - 1 Espanyol

KULAMADA LA CIYAARAYO EE ENGLAND - PREMIER LEAGUE

15:30 Huddersfield Town ? - ? Newcastle United

18:00 Tottenham Hotspur ? - ? Chelsea

 



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip