Aqalka Sare oo soo fara geliyay xiisada Hirshabeelle iyo Wasiiradii Jowhar tagay oo loo yeeray

0
Saturday August 19, 2017 - 20:47:20 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Sare oo soo fara geliyay xiisada Hirshabeelle iyo Wasiiradii Jowhar tagay oo loo yeeray

    Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo fara gelinaya xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada maamulkaas ay xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo fara gelinaya xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada maamulkaas ay xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Qaar ka mid ah Senator-ada Aqalka Sare ayaa soo jeeday in ajandaha lagu soo daro xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, iyadoo Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka sare uu dalbaday in loo yeero Wafdigii Wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u aaday Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa xilligan kulan la leh Guddoonka Aqalka Sare iyo xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha.

Kulankan ayaa warbixin looga dhageysanayaan Wasiirada, wixii ay ku soo arkeen magaalada Jowhar, markii ay maalin ka hor tageen, shalayna dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran, ayaa la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan Aqalka sare oo la sheego in saameynta uu ku leeyahay siyaasada dalka iyo go’aan ka gaaristeeda ay aad u yar tahay, marka laga reebo sharciyo quseeya arrimaha federaalka.

Xubnaha Wasiirada ayaa wali wax war ah siin warbaahinta, iyadoo magaalada Jowhar kula kulmay dhinacyada kala duwan ee xiisada ka dhex taagan tahay, waxaa ay sheegeen in wixii ay kala kulmaan ay madaxda dowladda u gudbinayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay war ka soo saarto xaalada siyaasadeed ee Hirshabeelle, iyadoo shalay Muqdisho uu soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre, kaddib markii loo yeeray, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dowladda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip