7 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Sh/hoose

0
Saturday August 19, 2017 - 20:30:22 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Sh/hoose

    Ciidamada Huwanta ah ayaa qabsaday degaanka Bariire oo 14 km dhinaca koonfureed ka xiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Huwanta ah ayaa qabsaday degaanka Bariire oo 14 km dhinaca koonfureed ka xiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaal culus ayaa ka dhacay degaanka Bariire ka hor inta aysan qabsan Ciidamada Soomaaliya degaankaasi.

Intii uu dagaalka socday, 7 qof oo rayid ah ayaa dhimatay markii ay miino la qaraxday gaari caasi ah oo ay ku qaxayeen duleedka Bariire.

Bariire oo ah Tuulo yar oo ay degenyihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd Al-Shabaab, oo halkaasi ku lahaa laba maxkamadood oo ay dacwadaha ku qaadaan.

Bishii May ee sanadkaan ayaa waxaa Bariire lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Marineska Mareykanka, ka dib weerar ay ku qaadeen iyagoo wehliya ciidamada Soomaaliya dhismo ay ku sugnaayeen saraakiil Al-shabaab ka tirsan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qabsadaan al-Shabaab degaanada ay kaga suganyihiin gobolka Shabeelaha Hoose, dhowr jeer ayey degaanno ay ka mid yihin Janaale iyo Awdhiigle ka qabsadeen Al-shabaab ka dibna ay isaga soo baxeen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip