Booliska magaalada Turku ee Koonfur Galbeed dalka Finland ayaa toogtay nin ay sheegeen in uu dad ku tooreeyay magaaladaas.
Inta la og yahay laba qofood ayaa u dhimatay weerarkaas tooreyda loo adeegsaday, halka lix kalana ay ku dhaawacmeen sida ay Booliska ay warbaahinta u xaqiijiyeen.
Ninka ayaa toorey lasoo baxay, kaddibna geliyay dhawr qofood oo u dhaweyd, taas oo keentay in durba goobta ay soo gaaraan ciidanka Booliska, kuwaas oo toogtay ninkii falka geystay.
Falkan waxaa loo maleynayaa in uu la socdo mid kan oo kale oo kadhacay Khamiistii magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaas oo 13 qof ay u dhinteen, kaddib gaari marsiiyay meel ay dad iskugu imaanayeen.
Booliska ayaa durba bilaabay baaritaan iyo cidda uu yahay qofka falka geystay, maadaama ay tahay arrin ugub ku ah dalkaas in weerar lagu qaado dad meel iska jooga oo aan cidna dhib u geysan.
Weerar Toorey Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Dalka Finland
Booliska magaalada Turku ee Koonfur Galbeed dalka Finland ayaa toogtay nin ay sheegeen in uu dad ku tooreeyay magaaladaas.