Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska Maanta.

0
Wednesday August 16, 2017 - 13:14:37 in Sports News by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska Maanta.

    Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

 

Tottenham Hotspur ayaa heshiis la gaartay daafaca Paris Saint Germain Serge Aurier oo 24-jir ah kaas oo bartilmaameed u ah Man United. (L’Equipe)

Chelsea ayaa dooneysa iney 50 Malyan oo Pound ugu dhaqaaqdo soo xerogalinta daafaca bidix ee Tottenham Hotspur Danny Rose kaas oo 27-jir ah, kadib markii uu ka carooday in kooxda ku dhaleeceysay arimaha suuqa iyo mushaarka uu ka hadlay. (The Sun)

Chelsea ayaa qaaday talaabadii ugu dambeysay oo ay ku dooneysay daafaca bidix ee Juventus Alex Sandro kaas oo 26-jir ah balse waa laga soo diiday. (Daily Mail)

Tottenham Hotspur ayaa ku dhaw iney dhameystirto saxiixa daafaca Ajax Davinson Sanchez oo 21-jir ah iyadoo dalab hordhac ah oo dhan 27 Malyan oo Pound ka gudbisay. (Mirror)

Sidoo kale Chelsea ayaa u weecatay daafaca midig ee Southampton Cedric Soarez kaas oo 25-jir ah kadib markii ay ku fashilmeen Joao Cancelo. (Telegraph)

Arsene Wenger ayaa kalsooni ku qaba iney diidi doonaan dalab walba oo laga soo gudbiyo Ozil, Chamberlain & Alexis Sanchez xilli ay galeen 12-kii bilood ee ugu dambeysay. (Goal)

 

Daafaca Manchester City Eliaquim Mangala oo 26-jir ah ayaa loo ogolaan doonaa inuu ku biiro Inter Milan hadii kooxda reer talyaani ay bixiso aduun dhan 24 Malyan oo Pound. (Express).

Liverpool ayaa dooneysa xidiga Barcelona Ivan Rakitic kaas oo 29-jir ah in laga qeyb galiyo heshiiska ay kooxdaas ku dooneyso Philippe Coutinho. (Diario Gol)

Chelsea ayaa mar kale isku dayi doonta iney lasoo saxiixato weeraryahanka reer talyaani Andrea Belotti si uu badal ugu noqdo Diego Costa. (Daily Star).

Juventus ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato xidiga khadka dhexe Manchester United Marouane Fellaini kaas oo 29-jir ah. (The Sun)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip