Real oo xalay 3-1 kaga adkaatay kooxda Barcelona iyo Ronaldo oo rooso ka qaatay ciyaarta

0
Monday August 14, 2017 - 15:26:00 in Sports News by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real oo xalay 3-1 kaga adkaatay kooxda Barcelona iyo Ronaldo oo rooso ka qaatay ciyaarta

    Kooxda Barcelona, ayaa xalay dhinaceeda dhulka la dhigay kadib markii ay la cayaareen kooxda ay xifaaltamaan ee Real. Kulanka ayaa waxaa uu kusoo idlaaday 3-1, oo looga adkaaday kooxda uu hogaamiya Messi, taas oo ka dhigan in kooxda ay dib u xasuusa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona, ayaa xalay dhinaceeda dhulka la dhigay kadib markii ay la cayaareen kooxda ay xifaaltamaan ee Real. Kulanka ayaa waxaa uu kusoo idlaaday 3-1, oo looga adkaaday kooxda uu hogaamiya Messi, taas oo ka dhigan in kooxda ay dib u xasuusato laacibkoodii dhawaan ka tagay ee Neymar.
Ronaldo iyo Asensio ayeey goolasha ka kala heleen halka Pigue, uu gool isaga uu iska dhaliyay. Kooxda Barca goolka keliya ee ay heleen ayaa waxaa u dhaliyay laacibkooda Messi.

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa halis ugu jira in ganaax la duldhigo kadib markii uu si caro leh u riixay garsoore Ricardo De Burgos Bengoetxea intii lagu jiray kulankii ay kooxdiisa 3-1 kaga adkaatay Barcelona.

Ronaldo ayaa badal kusoo galay ciyaarta qeybtii dambe isagoo ka caawiyay Madrid iney mar labaad hogaanka qabato madama uu ka dhigay 2-1, balse garsooraha ayaa gudoonsiiyay jaalihiisii labaad ee ciyaarta markii lagu riday xerada ganaaxa garsoorahana uu u arkay inuu is tuuray.

Sharciga FA-ga Spain mowduuciisa 96-aad ayaa qoraya in afar ilaa 12-kulan la ganaaxi karo xidigii ku kaca fal nuucaas ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip