Lionel Messi Oo Farta Ugu Fiiqay Barcelona Labada Ciyaartooy Ee Bedeli Kara Neymar

0
Saturday August 12, 2017 - 15:46:14 in Sports News by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Farta Ugu Fiiqay Barcelona Labada Ciyaartooy Ee Bedeli Kara Neymar

    Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa doonaya in kooxdaiisa lacagta ay ka heshay iibintii Neymar kusoo iibsato xiddiga Tottenham Dele Alli iyo ciyaaryahanka Real Madrid Marco Asensio.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa doonaya in kooxdaiisa lacagta ay ka heshay iibintii Neymar kusoo iibsato xiddiga Tottenham Dele Alli iyo ciyaaryahanka Real Madrid Marco Asensio.

Barcelona ayaa Neymar kaga iibsay kooxdaParis Saint-Germain Isbuucii lasoo dhaafay lacagta rikoorka adduunka ugu qaalisan oo aheyd £ 198million.

Iyadoo xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga uu furmayo dhawaan, macalin Ernesto Valverde ayaa dadaal ugu jira inuu xoojiyo awooda kooxdiisa

Barcelona ayaa si aad ah u raadineysa kubadsameeyaha Liverpool Philippe Coutinho, laakiin Reds ayaa diidan in ay iibsio ciyaaryahanka No10 ee kooxda Merseyside.

Ninka garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Ousmane Dembele ayaa sidoo kale kujira liiska ciyaartooyda diirada usaaran tahay kooxda Barcelona xagaagan, inkastoo kooxda Bundesliga ay dooneyso ugu yaraan 100 milyan oo ginni haddii ay iibineyso xiddiga

Barcelona News Lionel Messi Dele Alli Marco Asensio

Barcelona ayaa diyaar u ah inay Marco Asensio kusoo iibsato lacag dhan 72 milyan oo ginni, oo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Real Madrid, halka Dele Alli uu doonayo inuu ka garab ciyaaro Lionel Messi.

Shabakadda Don Balon ayaa sheegtay in Messi uu doonayo labada xiddig in lagu soo daro kooxda Barcelona xagaaagan.

Waxaa la sheegay inuu dareensan yahay in Alli uu waqti wacan la qaadan karo macalin Valverde, kadib markii uu dhaliyay 22 gool 52 kulan oo uu u saftay Spurs xilli ciyaareedkii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip